Home Wararka Caalamka Biden oo farriin u gudbiyay Raysal Wasaaraha Israel

Biden oo farriin u gudbiyay Raysal Wasaaraha Israel

by Laacib

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden oo Isniintii khadka teleefanka kula hadlay Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa kala hadlay xaaladda murugsan ee ka taagan Marinka Gaza.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu Raysal Wasaaraha Israel ugu yeeray in la sameeyo xabad joojin bani’aadantinimo.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Mareykanka, John Kirby ayaa sheegay in Madaxweyne Biden uu Netanyahu weydiistay in colaadda la hakiyo, balse aanu weydiisan xabad joojin rasmi ah.

Xabad joojin bani’aadantinimo ayaa ka dhigan in muddo kooban colaadda la hakiyo, si lagaga jawaabo masiibada bani’aadantinimo ee halkaasi ka jirta, taas oo macnaheedu yahay in Israel saacado ka dib ay dib u bilaabi doonto duulaankeeda Gaza.

Hay’adaha caalamiga ah ayaa ka codsaday Israel in ay soo afjarto weerarada ay ciidamadeeda ku dileen in ka badan toban kun oo qof oo rayid ah, balse taasi ma muuqato in Tel Aviv ay diyaar u tahay.

Mareykanka ayaa lagu dhalleeceeyay in Israel uu ku gacan siinayo xasuuqa ay ku hayso shacabka Falastiiniyiinta ee ku go’doonsan Marinka Gaza.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa Israel ku eedeeyay in ay si cad ugu xadgudubtay shuruucda caalamiga ah ee bani’aadantinimada.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa waxa ka socda Gaza ku qeexay dembiyo dagaal, oo ay gaysanayaan Militariga Israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc