Home Wararka Caalamka Biden oo Netanyahu u sheegay inaysan taageeri doonin duulaankooda Rafah

Biden oo Netanyahu u sheegay inaysan taageeri doonin duulaankooda Rafah

by Laacib

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden oo khadka teleefanka kula hadlay Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa u sheegay in Washington aysan taageeri doonin, haddii ay bilaa qorshe ugu dhaqaaqaan deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.

“Mareykanku ma taageeri karo hawlgalka dhinaca dhulka ee Rafah, haddii uusan jirin qorshe macquul ah oo lagu ilaalinayo dadka rayidka ah.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed goor dambe oo Axaddii ka soo baxay Aqalka Cad.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri “Madaxweynuhu wuxuu ku celiyay mowqifkiisa cad ee ku aaddan duulaanka suurtagalka ah ee lagu qaadi karo deegaanka xadka Gaza ku yaala ee Rafah.”

Mareykanka ayaa mar sii horreysay la sheegay in Maamulka Israel uu u soo jeediyay in dadka rayidka ah laga raro Rafah, ka hor hawlgalkooda militari, taas oo aad mooddo in Netanyahu uu ka dhego adeygay.

John Kirby oo u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in Israel ay aqbashay inay dhageysato welwelka iyo fekradaha Mareykanka, ka hor inta aysan guluf militari ku qaadin deegaanka ay dadka barakacayaasha ku badan yihiin ee Rafah.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa marar badan ku celceliyay inaysan ka adkaan karin Xoogaga Xamaas, haddii aysan hawlgalkooda ku ballaarin Rafah.

Xulafada Israel ee reer galbeedka, Qaramada Midoobey iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa uga digay inay weerarto Rafah, taasoo uga sii dari doonto xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta Marinka Gaza.

Ciidamada Israel ayaa horey u weeraray goob kasta oo ka tirsan Gaza, marka laga soo taggo Rafah, oo ay iyagu dadka u sheegeen inay u barakacaan.

Rafah oo ku taala xadka Gaza iyo Masar ayaa waxaa barakac ahaan u jooga 1.5 milyan oo Falastiiniyiin ah, waana kuwii ay Ciidamada Israel guryahooda ka soo barakaciyeen.

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada ee OCHA ayaa maalin ka hor ka digay in xaaladda bani’aadantinimo ee Gaza ay faraha ka bixi doonto, haddii aysan Israel ka laaban qorshaha ay ku weerareyso meeshii ugu dambeysay ee Marinka Gaza.

Rafah waxay hoy u tahay inta badan dadka reer Gaza. Dadka ku nool Marinka Gaza ayaa tiradooda lagu sheegaa 2.3 milyan oo qof.

Duulaanka Israel ee Gaza ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay 34,454 qof, in ka badan 77,575 kalena ay ku dhaawacmeen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc