Home Wararka Maanta Bixinta kaararka aqoonsiga dadweynaha iyo muhiimadda ay dalka u leeyihiin(SAWIRRO)

Bixinta kaararka aqoonsiga dadweynaha iyo muhiimadda ay dalka u leeyihiin(SAWIRRO)

by Laacib

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray qaadashada kaararka aqoonsiga dadweynaha ee National ID.

Munaasabadda daahfurka ee habka bixinta kaararka aqoonsiga dadweynaha ayaa ku soo beegantay, iyadoo maanta dunida laga xusayo maalinta caalamiga ee aqoonsiga dadweynaha.

Raysal Wasaaraha ayaa Magaalada Muqdisho ka daahfuray nidaamka bixinta kaararka aqoonsiga iyo diiwaangelinta dadweynaha.

“Aqoonsiga wuxuu halbowle u yahay dowladnimadeenna, maanta oo ku beegan sidaan sheegnay maalinta sida gaarka ah loogu xuso aqoonsiga dadweynaha, waxaa guul u ah shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeedba in aan dalka u dhignay nidaamka asaga ah oo furaha u noqon doona dhinac walba oo bulshadeennu ay u baahan tahay.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha.

Raysal Wasaaraha oo munaasabaddaasi ka hadlayay ayaa yiri “Waxaan daahfuraynaa aqoonsiga dadweynaha, waxaana daahfuraynaa shirweynaha aad halkan u fadhidaan.”

Waxa kaloo uu yiri “Waxaan salka u dhigaynaa maanta nidaam aqoonsi oo lagu kalsoon yahay, loona dhan yahay. Aqoonsi lagu kalsoonaan karo waa furaha kalsooni dhex marta bulshadeenna dhexdeeda ay isu aqoonsan karto.”

Isagoo sii faah faahinayay muhiimadda uu leeyahay kaarka aqoonsiga ayaa waxa uu yiri “Wuxuu kalsooni ka dhex abuuraya qofka iyo dowladda, wuxuu kalsooni ka dhex abuuraya bulshada iyo dowladda, wuxuu kalsooni ka dhex abuuraya iyo inay wada shaqeeyaan dadkeenna Soomaaliyeed iyo dadyowga kale ee caalamka. Waxaan yeelanaynaa aqoonsi casri ah oo waafaqsan halbeegyada caalamiga ah ee lagu maareeyo aqoonsiyada.”

Raysal Wasaare Barre ayaa sheegaya in aqoonsigan uu xal u noqon doono dhammaan hay’adaha bixiya adeegyada dadweynaha, isla-markaana uu meesha ka saarayo been abuurka aqoonsiga ee qofka.

Raysal Wasaare Barre ayaa intaasi ku daray in aqoonsigu uu xilligan si weyn muhiim ugu yahay dalka, marka ay noqoto dagaalka lagu la jiro kooxaha argagixisada.

“Wuxuu si weyn wax uga qaban doonnaa shabakadaha argagixisada iyo dhammaanba, haddii ay noqoto dhinaca maaliyadda iyo iyo dhinaca kale ee dhaqdhaqaaqooda, intaba xadidaad weyn ayuu ku soo kordhin doonnaa.” Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.

In ka badan soddon sano ka dib, Somaliya ayaa markii ugu horreysay yeelanaysa kaarar aqoonsi oo rasmi ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc