Home Wararka Caalamka Blinken oo Dhaxal-sugaha Sacuudiga kala hadlay xiisadda Bariga Dhexe (SAWIRRO)

Blinken oo Dhaxal-sugaha Sacuudiga kala hadlay xiisadda Bariga Dhexe (SAWIRRO)

by Laacib

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken oo socdaal ku maraya Bariga Dhexe ayaa safarkiisa ka bilaabay dalka Sacuudiga, isagoona xalay fiidkii Caasimadda Riyadh kula kulmay Dhaxal-sugaha Boqortooyada ahna Raysal Wasaaraha dalkaasi, Mohammed bin Salman.

Wasiirka ayaa isku dayaya in uu dardargeliyo heshiis cusub oo xabad joojin ku-meel-gaar ah lagaga dhaqangelinayo Marinka Gaza, si xoogaga wax iska caabinta Falastiiniyiintana ay u soo sii daayaan la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Gaza

Blinken iyo Dhaxal-sugaha ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay wax ka qabashada baahiyaha bani’aadantinimo ee Gaza iyo ka hortagga inaysan colaadda ku fidin gobolka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

“Wasiirka iyo Amiirka ayaa sii waday wada hadalada ku saabsan isuduwidda gobolka, si loo gaaro xalka waara ee dhibaatada Gaza, taasoo nabad iyo amni waara siineysa Israel iyo Falastiin, si isku mid ah.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay “Waxay sidoo kale ka wada hadleen muhiimadda ay leedahay in la dhiso gobol isku dhafan oo barwaaqo ah, waxayna dib u xaqiijiyeen iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya.”

Dhinacyada ayaa kulankooda ku soo hadalqaaday, sida loogu baahan yahay xal u helidda xaaladda cakiran ee ka jirta gobolka, oo ay ku jirto joojinta weerarada Xuuthiyiinta ay ku bartilmaameedsanayaan maraakiibta qaybteed ee mareysa Badda Cas.

Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in weerarada Xuuthiyiinta ay wiiqayaan xorriyadda socdaalka ee badda Cas iyo horumarka laga gaaray geeddi-socodka nabadda ee Yemen.

Wasiir Blinken ayaa Sacuudiga ka dib booqan doona Qatar, Masar, Daanta Galbeed ee Falastiiniyiinta iyo Israel.

Safarkan ayaa noqonaya kiisii shanaad ee Blinken uu ku taggo gobolka, tan iyo wixii ka dambeeyay 7-dii October, markaas oo dagaalka uu dib uga dhex qarxay Falastiiniyiinta iyo Israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc