Home Wararka Caalamka Blinken oo Netanyahu kala hadlay hindisaha Biden ee xabad joojinta Gaza

Blinken oo Netanyahu kala hadlay hindisaha Biden ee xabad joojinta Gaza

by Laacib

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa Isniintii ku laabtay Bariga Dhexe, oo ay uga bilaabatay booqasho saddex maalmood qaadaneysa, waana safarkiisii 8aad ee gobolka uu ku tago, tan iyo markii uu bilowday dagaalka Marinka Gaza.

Wasiirka oo safarkiisa ka bilaabay Masar ayaa Caasimadda Qaahira kula kulmay Madaxweyne Abdel Fattah El-Sisi, isagoona kala hadlay in la taageero dadaalada Madaxweyne Joe Biden uu xalka ugu raadinayo colaadda Marinka Gaza.

Wasiirka oo uga sii gudbay dhinaca Magaalada Jerusalem ayaa kulamo gooni gooni ah kula yeeshay Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka Difaaca, Yoav Gallant.

Wasiirka ayaa Madaxda Israel ku booriyay in ay aqbalaan, isla-markaana ay fuliyaan hindisaha Madaxweyne Joe Biden ee xabad joojinta Gaza, oo ay ansixiyeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Wararka ayaa sheegaya in Wasiir Blinken uu Madaxda Israel hordhigay in la daba qabto colaadda ku sii baaheysa gobolka, marka aad eegto falcelinta ka imaneysa kooxaha wax iska caabinta gobolka ee ka soo horjeeda duulaanka Israel ee Marinka Gaza.

Ka dib kulankii Blinken iyo Netanyahu, warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Washington ay ka go’an tahay inay ilaaliso ammaanka Israel iyo inaanu mar kale dhicin weerarkii 7-dii October oo kale.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Blinken uu Raysal Wasaaraha Israel u sheegay inay taageeraan hindisaha Madaxweynaha Mareykanka oo horseedaya xabad joojin degdeg ah, sii deynta dhammaan la haysteyaasha iyo kordhinta gargaarka bani’aadantinimo ee la gaarsiinayo dadka Gaza.

Diblomaasiga ugu sarreya Mareykanka ayaa xoojinaya cadaadiska caalamiga ah ee dhinacyada lagu saarayo inay soo afjaraan colaadda.

Blinken oo ka hadlayay Magaalada Qaahira ayaa sheegay in Xamaas ay tahay cidda keliya ee hortaagan heshiiska xabad joojinta iyo sii deynta la haysteyaasha, inkastoo Xamaas ay xalay taageertay qaraarkii Mareykanka ee xabad joojinta Gaza ee Golaha Ammaanka uu meelmariyay.

Blinken ayaa sheegay inaysan weli Xamaas ka soo jawaabin soo jeedinta ay heleen 10 maalmood ka hor, waxaana uu mar kale ku booriyay inay aqbalaan, isagoo sheegay inay haystaan ​​taageero caalami ah, Israel-na ay aqbashay.

Blinken ayaa socdaalkiisa Bariga Dhexe u isticmalaya in Xamaas ay diidan tahay in la dhameeyo colaadda.

“Xamaas waxay sii wadaa inay muujiso cannaan aan caadi ahayn falalkeeda, daneyn la’aan maaha oo keliya wanaagga iyo ammaanka Israel, laakiin sidoo kale Falastiiniyiinta.” Ayuu yiri Blinken.

Blinken ayaa la filayaa in uu sii maro dalka Jordan, ka hor inta aanu u ambabixin dalkaasi Qatar. Qatar ayaa door weyn ka ciyaareysa dadaalada dhexdhexaadinta caalamiga ah ee dhinacyada.

Antony Blinken, Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa hoggaamiyeyaasha gobolka u diray farriin uu ugu sheegayo “Haddii aad rabtaan xabad joojin, ku cadaadiya Xamaas inay haa tiraahdo.”

Qaraarka uu gelinkii dambe ee Isniintii ansixiyay Golaha Ammaanka ayaa imanaya ku dhawaad laba toddobaad ka dib, markii Madaxweyne Biden uu sheegay in Israel ay ogolaatay qorshe saddex weji oo keeni kara xabad joojin waarta, inkastoo Netanyahu uu duray hindisahaasi.

Netanyahu ayaa ku andacoonaya in hindisaha uu Biden soo bandhigay uu Israel ku jiidayo inay dagaalka joojiso, iyadoo aan la wiiqin Xamaas.

Netanyahu ayaa ku hanjabay inaysan Tel Aviv qaadan doonin xabad joojin joogto ah, ka hor inta aan la burburin Militariga Ururka Xamaas.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc