Home Wararka Caalamka Booliska Australia oo soo afjaray weerarkii Sydney (SAWIRRO)

Booliska Australia oo soo afjaray weerarkii Sydney (SAWIRRO)

by Laacib

Booliska Australia ayaa soo afjaray nin mindi ku hubeysnaa oo maanta weerar ka gaystay suuq laga dukaameysto oo ku yaala Magaalada Sydney.

Ninkan ayaa la sheegay in si saf mareen ah uu u tooriyeeyay qaar ka mid ah dadkii ka dukaameysanayay Suuqa Westfield ee Isgoyska Bondi.

Muuqaalada laga helay gudaha xarunta ganacsiga ayaa laga arki karay ninka weerarka gaystay oo xirnaa surwaal gaaban iyo funaanad maaliyad/isboorti, isla-markaana wata mindi dhiig leh.

Gabar ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa la sheegay inay xabad xabadka kaga dhufatay ninkaasi, isla-markaana ay ka hortagtay in dad kale uu dhibaateeyo.

Taliska Booliska ayaa sheegay in askariyadda ay ka ag dhaweyd goobta xilligii uu weerarku dhacayay, taas oo ay u suurtagashay in ay xakameyso ninkaasi.

Anthony Cooke, Taliye Kuxigeenka Booliska NSW (New South Wales) ayaa sheegay in ninka weerarka gaystay uu keligii ahaa, isla-markaana uu u geeriyooday xabad kaga dhacday feeraha.

Taliye Kuxigeenka ayaa tilmaamay inaysan garanayn cidda uu ka tirsan yahay ninkaasi iyo sababta ka dambeysay in la beegsado suuqa ganacsiga, ha yeeshee aysan haatan jirin sida uu yiri wax khatar ah.

Warbaahinta ayaa hadda sheegeysa in rasaasta laga maqlay goobta ay ahayd middii ay askariyadda u adeegsaneysay, sidii ay u joojin lahayd ninkaasi.

Ugu yaraan shan qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerarka, tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacantay.

Illaa sagaal qof oo ay ku jiraan hooyo iyo ilmo yar ay dhashay oo weerarka ku dhaawacmay ayaa laga qaaday goobta.

Anthony Cooke ayaa xaqiijiyay in mid ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarka uu ahaa dhallaan sagaal bilood jiray.

Weerarkan ayaa argagax-geliyay dadkii ka dukaameysanayay goobta la weeraray.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc