Home Wararka Maanta Booliska Guriceel oo awaamiir dul dhigay Xoogaga Macawiisley

Booliska Guriceel oo awaamiir dul dhigay Xoogaga Macawiisley

by Laacib

Taliska Booliska ee Magaalada Guriceel ayaa soo saaray awaamiir ay hubka uga mamnuucayaan in lagu dhex qaato magaaladaasi, ka dib iska horimaadkii xalay ka dhacay magaalada.

Taliyaha Saldhigga Booliska Guriceel, Cismaan Cali Huudey ayaa shaaciyay awaamiirtan oo Ciidamada Qalabka Sida lagu farayo inaanay wax hub ahi ku dhex qaadan karin magaaladaasi.

Waxa uu sheegay in tani ay kaga hortaggayaan maleeshiyada Al Shabaab iyo kuwa dilalka aanooyinka beelaha ka gaysanaya gobolka iyo deegaanada ku xeeran, si aanay gabaad uga dhigan magaalada.

“Ciidanku wuxuu leeyahay sumad u gaar ah oo lagu kala yaqaano iyaga iyo shacabka, maadaama aan hawlgalo ballaaran sameynayno waxaan rabnaa astaanta ciidanka lagu yaqaano ee deegaanka nala degan inay astaantooda qaataan, astaantaas oo ah dareyska la idiinkugu talagalay.” Ayuu yiri Taliyaha.

Waxa kaloo uu yiri “Cid kasta oo dhar shibil ah wadata ee hub sidata inaan ula tacaamulno, sida dadka shacabka ah loola tacaamulayo. Marka ciidanka waxaan leenahay naga la shaqeeya ammaanka, si uusan cadowga noogu soo dhuuman ama dhagarqabeyaasha aysan ku fakan, waxaad qaadataan dareyskiina.”

Dhanka kale Cismaan Cali Huudey, Taliyaha Saldhigga Booliska Guriceel oo soo hadalqaaday Xoogaga Macawiisleyda ayaa ku wargeliyay in marka ay magaalada imanayaan inay qoryahooda dhigtaan guryaha, isagoona ku amray inaanay wax hub ahi ku dhex qaadan karin magaaladaasi, muddada ay joogaan.

“Waxaa jira ciidamo la yiraahdo Macawiisley oo sida runtii dad xaq u dirir ah, oo dowladda ka garab siiya dagaalka Khawaarijta. Waxaan rabnaa ayagana goobta jiidda ah markii ay ka soo baxaan ama fasax uu soo qaato inuu gurigiisa dhigto qoriga, waxaana mamnuuc ah inuu magaalada qori la soo aado. Waxaan ugu baaqaynaa dhallinyaradaas markii aad soo gashaan magaalada inaad hubkiina xareysataan, oo aad ku xareysataan guryaha, markaad jiidda ku laabaneysaana aad hubkiina qaadataan. Waxaa mamnuuc ah inaad magaalada ku qaadataan qori, idinka oo dhar shacab ah sita.” Ayuu yiri Taliyaha Saldhigga Guriceel.

Taliyaha ayaa ku goodiyay in ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan, qorigana ay ka qaadayaan, cid kasta oo awaamiirtoodan jebisa.

“Waxaan rabnaa marka, maadaama aan idiin sheegnay, haddaynu aragno idiinkoo qori wata, waxaanu ka qaadaynaa tallaabo sharci ah, qorigana waan ka qaadaynaa, haddii Alle idmo.” Ayuu yiri Taliyuhu.

Taliyaha ayaan ka hadlin iska horimaadkii dhimashada iyo dhaawacaba sababay ee xalay ka dhacay magaaladaasi, kaas oo la sheegayo in uu u dhaxeeyay Ciidamada Booliska iyo Macawiisleyda bartamihii sanadkan lagu soo bandhigay duleedka Guriceel.

Laba askari oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku geeriyooday iska horimaadkaasi, halka afar kalena oo dad shacab ah ay ku jiraan ay ku dhaawacmeen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc