Home Wararka Caalamka Booliska India oo saddex qof u soo qabtay dilka Imaam Masjid

Booliska India oo saddex qof u soo qabtay dilka Imaam Masjid

by Laacib

Ciidanka Booliska India ayaa saddex nin u soo qabtay weerar aroornimadii hore ee saakay ka dhacay Masaajid ku yaala Magaalada Gurugram ee Gobolka Haryana.

Raggan oo la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxaha Hindus-ka ee midigta fog ayaa rasaas oodda kaga qaaday Masaajidka Anjuman Jama, iyadoona markii dambe la sheegay inay dab qabadsiiyeen Masaajidkaasi.

Booliska ayaa xaqiijiyay geerida Maulana Saad oo ahaa Imaamkii Masaajidka iyo dhaawaca nin kale, oo ka mid ahaa illaa saddex qof oo xilligaasi ku sugnaa Masjidkaasi.

“Koox ka kooban 50 illaa 60 qof oo qaswadeyaal ah ayaa rasaas oodda uga qaaday Masaajidka Anjuman saacadihii hore ee Talaadada, taasoo keentay dhimashada hal qof iyo dhaawaca mid kale.” Ayuu yiri Taliye Kuxigeenka Booliska, Nitish Agarwal.

Taliye Kuxigeenka oo Warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in falkaasi ay u soo qabteen saddex qof oo la aqoonsaday.

“Waxaan xirnay dhowr qof oo aan oobi ka qonay, waxaana wadnaa baaritaano ku aaddan dhacdadaasi.” Ayuu yiri Taliye Kuxigeenka.

Weerarka ayaa imaanaya maalin uun ka dib markii rabshado ka dhaceen Degmada Nuh ee deriska la ah ee Waqooyiga Gobolka Haryana.

Kooxaha xagjirka ee Hinduuga ee la safan xisbiga talada haya ee Bharatiya Janata Party (BJP) ayaa Magaalada Gurugram ka waday olole ka dhan ah Salaadda Jimcaha.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc