Home Wararka Maanta Booliska Jubbaland oo gacanta ku soo dhigay nin hooyadii ku dilay Kismaayo (SAWIRRO)

Booliska Jubbaland oo gacanta ku soo dhigay nin hooyadii ku dilay Kismaayo (SAWIRRO)

by Laacib

Taliska Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa gacanta dhigay nin dhallinyaro ah, oo maanta hooyadii ku dilay Magaalada Kismaayo.

Ninkan ayaa la sheegay in mindi uu la dhacay hooyadii, xilli ay ku sugnaayeen hoygooda, markii dambena ay hooyadaasi dhaawicii soo gaaray ugu geeriyootay goobaha caafimaadka.

Dhacdadan ayaa ka dhacday xaafadda Farjano, gaar ahaan dhinaca Dalxiiska, iyadoona ay argagax badan ku beertay bulshada reer Kismaayo.

Taliska Booliska Jubbaland ayaa dadka deegaanka ku ammaanay inay kala shaqeeyeen, sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen ninkaasi.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Jubbaland, Gaashanle Sare Xuseen Cali Xaashi ayaa sheegay in eedeysanaha lagu magacaabo Xasan Cabdullaahi Cabdi Shire, isla-markaana uu dilay hooyadii oo lagu magacaabi jiray Xaliimo Maxamed Cumar.

Taliye Kuxigeenka ayaa sheegay in hooyo Xaliimo ay wiilkeeda dalka ugu soo celisay qaab dhaqancelin ahaan, ha yeeshee ay markii dambe sababsatay gacantiisa.

Allaha u naxariistee marxuumadda ayaa lagu wadaa in lagu aaso Khabuuraha Magaalada Kismaayo.

Dadka reer Kismaayo ayaa si weyn u hadalhaya dhacdadan qalbi taabadka leh ee maanta ka dhacday magaaladaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc