Home Wararka Maanta Booliska oo baaritaan caafimaad marsiinaya ninka saaxiibkii ku dilay Muqdisho

Booliska oo baaritaan caafimaad marsiinaya ninka saaxiibkii ku dilay Muqdisho

by Laacib

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in baaritaan dhanka caafimaadka ah ay marsiin doonaan Fahad Warsame, kaas oo Jimcihii Magaalada Muqdisho ku dilay nin ay saaxiibo ahaayeen.

Ninkan ayaa dilka marxuum Cabdifitaax Cabdullaahi Salaad u adeegsaday masaar ama faas, iyadoona dhacdadaasi ay ka dhacday hoy ay ka deganaayeen Waaxda Xalane ee Degmada Wadajir.

Gabar la dhalatay eedeysanaha oo Warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in ninkaasi uu sanadahanba la tacaalayay xanuunka dhimirka, horeyna uu u dhaawacay xubno ka mid ah qoyska.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) oo xaqiijiyay in eedeysanaha uu ku jiro gacanta laamaha amniga ayaa sheegay in ay muhiim u tahay in uu caddaalad helo marxuumka, sidaasi daraadeedna ay qaadi doonaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah, oo ay qayb ka tahay in ninkaasi uu maro baaritaan caafimaad.

“Eedeysanaha, nidaamka caddaaladda dalka habraaca uga dhigan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed ayaa la marsiin doonnaa, si uu caddaaladda u wajaho, isla-markaana uu xukun garsoor uga soo baxo, haddii Ilaahay yiraahdo.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka oo la hadlay KNN ayaa sheegay in warbixinta horudhaca ah ay muujineyso in dilka uu ka dambeeyay, ka dib markii ay wada murmayn.

“Dhibanaha ayaa xaq u leh in eedeysanaha caddaaladda la marsiiyo, maxkamadda awoodda u leh ayaana xukun ka soo saari doonto.” Ayuu yiri Dhamme Doodisho.

Doodisho oo sii hadlayay ayaa yiri “Arrinta dhimirka ah oo warbixinta horudhaca ku jirto oo ah inuu xanuunsan yahay, iyadana isbitaalka ku shaqada leh ayaa soo caddeyn doono xanuunkiisa. Si cad oo la arki karo oo waadix ah ayay baaristu ku ogaan doontaa.”

Muqdisho ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ku soo laalaabtay dilalka argagaxa leh ee ay isu gaysanayaan qoysaska dhexdooda iyo dadka ehelka ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc