Home Wararka Maanta Booliska oo juhdi badani ku bixinaya, sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen ninkii xaaskiisa gubay

Booliska oo juhdi badani ku bixinaya, sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen ninkii xaaskiisa gubay

by Laacib

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Korneyl Mahdi Cumar Muumin, oo ay wehliyaan Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Gobolka Banaadir, Muxudiin Geeddi Shadoor iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii tacsi ugu tegay qoyska iyo ehelka marxuumad Luul Cabdicasiis, oo ah hooyadii xaamilada ahayd ee saygeeda uu dhawaan ku gubay Caasimadda Muqdisho, Khamiistiina u geeriyootay waxyeeladii ka soo gaartay gubniinkii loo gaystay.

Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlay hoyga qoyska marxuumadda ayaa ballanqaaday in ay si degdeg ah ku soo qaban doonaan eedeysanaha, oo sida uu ka muujiyay ka baxsaday magaalada.

Taliyaha ayaa tilmaamay inaanay ninkaasi oo keliya soo qaban doonin, balse ay sidoo kale gacanta ku soo dhigi doonaan kuwii kala shaqeeyay in uu ka baxsado magaalada iyo kuwa kale ee gabaadka ku siinaya goobta uu ku dhuumaaleysanayo.

“Asaga, ciddii fakisay, kii gaariga ku qaaday iyo kan meesha uu joogo ku hayo, intaba waa la soo qabanaya, sharcigana waa la horgaynaa.” Ayuu yiri Taliyaha oo intaa raaciyay “Keligiis lama soo qabanayo, markuu baxsanayay gaari ayuu ku baxsaday oo Xamar uu uga tagey, kuwa hadda meesha uu joogo ku hayana waa la soo qabanaa, Insha’Allah.”

Taliyaha ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Qof kasta oo ku gacan siiyay inuu fakadana waa la dembi, waana lala maxkamadeynaa, Insha’Allah.”

Korneyl Mahdi Cumar Muumin, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaan sheegin halka uu u baxsaday ninka ku eedeysan inuu dilay xaaskiisii, isagoona carabka ku adkeeyay in ay ka soo qaban doonaan, goob kasta oo uu u baxsaday.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa mar sii horreysay sheegay in Sayid Macalin Daa’uud uu 26-kii bishii January uu dab qabadsiiyay hoygooda oo ku yaala Degmada Dharkiinley, gaar ahaan Waaxda Labaad, xilli ay ku sugnaayeen marxuumad Luul Cabdicasiis iyo carruur agoon ah oo ay haysatay.

Booliska ayaana sheegay in tan iyo wixii xilligaa ka dambeeyay uu eedeysanaha ka maqan yahay gacanta sharciga.

Kulankii ay Sabtidii Xildhibaanada Golaha Shacabka ku yeesheen Xaruntooda Villa Hargeisa ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hareeyay falka argagaxa leh ee lagu la kacay hooyadaasi.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in ninka gaystay falkaasi bulshada ka argagaxiyay aan weli gacanta lagu haynin, waxayna hay’adaha ammaanka ay ka dalbadeen in ay si degdeg ahi gacanta ugu soo dhigaan, sharcigana ay horkeenaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc