Home Wararka Maanta Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay dad qalab u waday Shabaab

Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay dad qalab u waday Shabaab

by Laacib

Taliska Booliska Puntland ayaa caawa sheegay in Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal ay gacanta ku dhigeen qalab loo waday maleeshiyada Al Shabaab iyo weliba dadkii waday oo 5 qof gaaraya.

Taliska ayaa sheegay in qalabka oo laga keenay dhinaca Gobolada Koonfurta Somaliya ay dadkaasi u wadeen maleeshiyada Al Shabaab ee ku sugan Buuraha Gobolka Bari.

Ciidamada ayaa dadkan iyo qalabkaba ku qabtay kontoroolka galbeed ee Magaalada Garoowe ee Xaunta Gobolka Nugaal.

“Laanta Baarista CID ee Gobolka Nugaal ayaa horey u sii haysay xogta ah inay ku soo fool leedahay gobolka.” Ayaa lagu sheegay war uu soo saaray Taliska Booliska Puntland.

Dadka la qabtay oo midi ay haweeney tahay ayaa lagu kala magacaabaa Fa’isa Cali Maxamed, Cabdi Axmed Cismaan, Haaddi Cumar Cilmi, Cabdi Maxamuud Cali iyo Saalax Cabdiqaadir Mahad.

Qalabka la qabtay ayay sidoo kale ku sheegeen:-

1. Gacamo kuwa loo isticmaalo GPS MAP

2. Qalabka caafimaad oo dhameystiran (A leukocyte alkaline phosphatase (LAP) – Laboratory

3. Biisooyin kaashwito

4. Kabo balistig ah

5. Envactar kuwa solar loo isticmalo. (Inverter solar energy system)

6. Hal Mobile kuwa qarxa lagu kiciyo. ( An improvised explosive device (IED) Cell Phone).

Warka ayaa lagu xusay in Taliska Qaybta Booliska Gobolka Nugaal uu dadkaasi iyo qalabkii lagu soo qabtayba uu horgayn doono sharciga.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc