Home Wararka Maanta Boosaaso oo qarax lagu la beegsaday gaari uu la socday Taliye ciidan

Boosaaso oo qarax lagu la beegsaday gaari uu la socday Taliye ciidan

by Laacib

Qaraxan ayaa maanta lala eegtay gaari uu socday Taliyaha Saldhigga Booliska ee Degmada Carmo, Axmed Cali Baashi (Kocob), xilli gaarigu uu ka sii gudbayay kontoroolkii hore ee Magaalada Boosaaso, kuna sii jeeday Carmo.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid waddada dhinaceeda lagu sii diyaariyay.

Inta la ogyahay shan qof oo ay ka mid yihiin Taliyaha iyo laba ka mid ah ilaaladiisa ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, halka labada kalena ay ahaayeen dad rayid ah oo la socday gaari iska roge ah oo daba socday gaarigii Taliyaha.

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha iyo ilaaladiisa ay soo gaareen dhaawacyo fudud, laakiin ay xaaladdoodu liidato dadkii rayidka ahaa ee ku dhaawacmay qaraxaasi.

Ciidamada amniga oo tegay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa wada hawlgal ay ku baadigoobayaan dadkii ka dambeeyay qaraxaasi.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, iyadoo inta badan qaraxyada ceynkani oo kale ah ay sheegtaan Ururada Al Shabaab iyo Daacish.

Shabaabka iyo Daacish ayaa fariisimo ku leh buuraha darafyada kaga yaala Xarunta Gobolka Bari ee Magaalada Boosaaso.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc