Home Wararka Caalamka Boqorka Jordan oo Macron u sheegay in Israel ay dhibaato u horseedeyso gobolka (SAWIRRO)

Boqorka Jordan oo Macron u sheegay in Israel ay dhibaato u horseedeyso gobolka (SAWIRRO)

by Laacib

Boqorka Jordan, Boqor Cabdallaha Labaad ayaa sheegay in ficilada Israel ee Marinka Gaza ay sababayaan masiibo ba’an oo bani’aadantinimo.

Boqorka Jordan oo maanta Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ku qaabilay Magaalada Aqaba ee ku taala Badda Cas ayaa u sheegay in gardarada joogtada ah Israel ee Gaza aya saamayn weyn ku yeelan doonto gobolka.

Boqorka ayaa sidoo kale Madaxweynaha u sheegay in dunida ay tahay in Israel ku cadaadiso, si ay u joojiso ololaha militari ee ay ka waddo Gaza.

“Israel waa in lagu cadaadiyaa in ay joojiso ololaheeda militari, isla-markaana ay garowsato dhibaatada ay leedahay gargaarka la hortaagan yahay, oo ay u baahan yihiin ku dhawaad laba milyan oo Falastiiniyiin ah, kuna sugan Marinka Gaza.” Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Qasriga Boqortooyada.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay “Gaajada iyo cudurada ayaa si degdeg ah ugu fidaya deegaankaasi go’doonsan.”

Madaxweyne Macron ayaa dalkaasi u tegay, sidii wax looga qaban lahaa xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta Marinka Gaza, halkaas oo Israel ay ka waddo hawlgalo ay sheegtay in ay kaga takhaluseyso Ururka Xamaas.

Madaxweyne Macron ayaa Arbacadii sheegay in xuquuqda Israel ee is difaacidda aysan macnaheedu ahayn in ay dhulka ku darto Gaza.

“Si hufan oo loola dagaalamo Xamaas kama dhigna in dhulka lala simo magaalada amaba la weeraro dadka rayidka ah, si aan kala sooc lahayn.” Ayuu yiri Macron oo wareysi siinayay Telefishinka 5 ee Faransiiska.

Jordan iyo Faransiiska ayaa si wadajir ah uga shaqeynaya gargaarka bani’aadantinimo ee sida aadka ah loogu baahan yahay iyo arrimaha caafimaadka ee dadka rayidka ee ku nool Gaza, sida ay sheegtay Madaxtooyada Faransiiska.

Israel ayaa weli duqaymo baahsan ka gaysaneysa koonfurta iyo waqooyiga Gaza, oo waxyeelada ugu buuran ay ka soo gaareyso dadka rayidka ah iyo kaabeyaasha rayidka.

Waxaa aad u kordheysa tirada dadka rayidka ah ee ku dhimanaya hawlgalada Ciidamada Israel ee Marinka Gaza, iyadoo la sheegay in isku celcelis ahaan ay maalintiiba 300 oo qof ku dhintaan dagaalkan ka socdo magaalada.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in tirada dhimashada ay hadda ka badan tahay 20,000 oo qof, isla-markaana ay dadka dhintay u badan yihiin carruur iyo haween.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc