Home Wararka Maanta Bushaaro Baanday oo dib u heshay xorriyadeeda

Bushaaro Baanday oo dib u heshay xorriyadeeda

by Laacib

Saxafiyadda lagu magacaabo Bushaaro Cali Maxamed (Bushaaro Baanday) ayaa fiidnimadii caawa dib u heshay xorriyadeedii, ka dib markii loo iibiyay xukun hal sano ah oo Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex ay maanta ku xukuntay.

Xukunka ku dhacay ayaa ka dambeeyay eedo loo jeediyay oo la xiriira faafitaan warar been abuur ah.

Tallaabada ay dib ugu heshay xorriyadeeda ayaa waxaa sahlay sharciga Somaliland oo dhigaya in xukunsanaha uu iibsan karo hal sano iyo wixii ka yar.

Saxafiyadda ayaa tan iyo bartamihii bishii May ku xirneyd Magaalada Hargeysa, iyada oo ay ciidamadu xireen mar ay dooneysay inay safar dhinaca dhulka ah kaga soo gasho xuduudda Wajaale.

Bushaaro Baanday ayaa u mahadcelisay dhammaanba dadkii gacanta ka gaystay sii deynteeda.

“Dareenkaygu waxaa weeyaan dareen aan ugu mahadcelinayo dhammaanba dadkii dadaalkaas nafhurka ah ii galay, waxaana dareemayaa ugu dambayn in caddaalad helay maanta.” Ayay tiri Bushaaro Baanday oo VOA la hadashay.

Waxa kaloo ay tiri “Caafimaadkaygu iminka wuu fiican yahay, laakiin intii aan jeelka ku xirnaa ayaan ku xanuunsaday, waxyaabo badan oo ila soo dersay oo dhanka caafimaadkayga ahi way jireen.”

Bushaaro Baanday ayaa haysata dhalashada dalka Britain.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc