Home Wararka Maanta Buundada Degmada Baardheere oo qalooc uu galay, xilli xaaladdu ay ka sii dareyso

Buundada Degmada Baardheere oo qalooc uu galay, xilli xaaladdu ay ka sii dareyso

by Laacib

Webiga Jubba ayaa sii wado in uu si weyn ugu fataho xaafadaha Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Tani ayaa loo aaneynaya, iyadoo ay sii kordhayaan daadadka ku soo rogmanaya magaalada ee ka dhashay roobabka mahiigaanka ee ka da’aya gobolkaasi.

Biyaha xoogooda ayay magaalada uga soo rogmanayaan dhanka toga Kurmaan ee dhinaca ka mara magaaladaasi.

Daadadka oo ku darsamay webiga ayaa keentay in webigu uu si weyn ugu fataho labada daamood ee magaalada, oo dhawaan dadkii deganaa ay isaga barakaceen.

Wararka ayaa sheegaya in fatahaaduhu ay qalooc ku keeneen buundada dhex marta magaalada. Muuqaalo goobta laga soo qaaday ayaa muujinaya in qalooc uu ku yimid toosnaanta buundada, sababo ku aaddan xaddiga biyaha iyo geedaha soo go’aya ee qabsanaya darafyada buundada.

Waxaa jirta baqdin laga muujinayo in ay go’do buundadan, oo muhiim u ah isu socodka dadka iyo ganacsiga gobolka, inkastoo aanay hadda jirin wax gaadiid ah oo mari kara buundadaasi, marka aad eegto in biyuhu ayba ka sare mareen buundada.

Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Gedo, Maxamed Xuseen Isaaq (Al-Qaadi) ayaa sheegay in buundada Baardheere ay qarka u saaran tahay in ay go’do.

Gudoomiye Kuxigeenka oo ka mid ah masuuliyiinta ku harsan magaalada ayaa sheegay in xaaladda Baardheere ay meel adag gaartay.

“Xaaladda caadi way dhaaftay. Allaha ha inoo saqiro, bulshadeenana ha badbaadiyo.” Ayuu yiri Gudoomiye Al-Qaadi.

Al-Qaadi ayaa Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo hay’adaha samafalka ugu baaqay in gurmad degdeg ahi soo gaarsiiyaan Baardheere.

Buundada Baardheere ayaa dhawaan dayactir lagu sameeyay, ka dib muddo dheer oo sida la sheegay aan wax dayactir ah lagu samayn.

Webiga Jubba oo mara Degmooyinka Baardheere, Buurdhuubo, Doolow iyo Luuq ee Gobolka Gedo ayaa fatahaadda uu gaysanayo inta badan dadkii halkaasi ku dhaqnaa ku khasbay in ay guryahooda isaga barakacaan. 

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc