Daadadka ka dhashay roobabka xoogan ee ka da’aya Gobolka Gedo iyo fatahaadda uu sameynayo Webiga Jubba ayaa Degmada Buurdhuubo ka dhigtay mid ay xaaladdeeda aad u cakiran tahay.
Daadadka iyo fatahaadaha ayaa si weyn u saameeyay xaafadaha degmada, iyadoona dadku ay maalmihii ugu dambeysay isaga barakacayeen degmadaasi.
Wararka ayaa sheegaya in afar meelood saddex meel dadkii deganaa Buurdhuubo ay isaga barakaceen guryahooda.
Wasiirka Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka Jubbaland, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qayb ka mida buundadii Buurdhuubo ay burburtay.
Wasiirka ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay suurtagal tahay in ay buundada go’do, ayna kaga sii dari doonto xaaladda markii horeba halkaasi ka jirtay.”
“Waxaa na soo gaaraya Degmada Buurdhuubo in buundadii magaaladaasi qayb ka mida burbur uu soo gaaray, biyaha dul maraya xowligooda iyo xoogooda, taas oo dhici karta saacadaha soo socda, haddii Alle uusan noo sahlin inay dumi karto, taasoo uga sii dari doonta xaaladdii meeshaasi ka jirtay.” Ayuu yiri Wasiirka.
Buundadan ayaa xudun u ah isu socodka labada daamood ee degmadaasi.