Home Wararka Maanta Buundadii Degmada Buurdhuubo oo gebi ahaanba burburtay

Buundadii Degmada Buurdhuubo oo gebi ahaanba burburtay

by Laacib

Wararka ka imaanaya Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta ay burburtay buundadii degmadaasi.

Burburka buundada ayaa ka dambeysay, ka dib markii degmada ay halakeeyeen daadad ay sababeen roobabka ka da’aya gobolka iyo fatahaadaha ka dhashay Webiga Jubba oo mara degmadaasi.

Buundada ayaa xiriirineysay labada daamood ee degmada, waana marinkii ugu weynaa ee ay dadka deegaanka adeegsan jireen.

Gudoomiyaha Degmada Buurdhuubo, Cali Shariif Cabdullaahi ayaa sheegay in maalmahaanba ay biyuhu ka sare mareen buundada, isla-markaaa ay bidhaanteedii qariyeen, maantana biyuhu ay gebi ahaanba burburiyeen buundadaasi.

“Buundada labadii gar ay labada goobood ay ku haysay labadiiba way go’een, ayadoo dhana meesha waa ka baxday.” Ayuu yiri Gudoomiyaha oo intaasi ku daray “Marka gebi ahaanba meesha way ka maqan tahay Buundadii Degmada Buurdhuubo, booskiina way ka baxday.”

Gudoomiyaha ayaa sheegay in burburka buundada ay kaga sii dari doonto xaaladda cakiran ee ay sababeen daadadka iyo fatahaadaha is biirsaday, ee markii horeba halkaasi ka jiray.

Buundadan ayaa la dhisay sanadkii 1986-kii, sida uu sheegay Cali Shariif Cabdullaahi, Gudoomiyaha Degmada Buurdhuubo.

Khamiistii hore ayay ahayd, markii ay burburtay Buundadii Degmada Baardheere, oo muhiim u ahayd isu socodka dadka iyo ganacsiga ee gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc