Home Wararka Maanta Cabdi Xaashi oo Xildhibaanada Baarlamaanka ugu baaqay inay taggaan jiidda dagaalka

Cabdi Xaashi oo Xildhibaanada Baarlamaanka ugu baaqay inay taggaan jiidda dagaalka

by Laacib

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku baaqay in Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ay buuxiyaan furimaha hore ee dagaalka dalka looga saarayo maleeshiyada Al Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa ku taliyay in si ku-meel-gaar ah loo joojiyo fadhiyada Baarlamaanka, diiraddana la wada saaro dagaalka ka dhanka ah kooxha argagixisada.

Waxa uu muujiyay inaanan la joojin meel loogu kala haro dagaalka, haddiiba Madaxweynihii Jamhuuriyadda uu dagaalka ka hoggaaminayo Magaalada Dhuusamareeb.

“Dalkani dagaal buu galay, dagaal buuna la galay Al Shabaab oo waad arkayseen xitaa Madaxweynihii wuxuu fadhiyaa Dhuusamareeb.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Gudoomiyaha ayaa yiri “Aniga waxaanba is leeyahay fasaxayna aan soo qadimano, oo hadda muddadan labada bilood ee harsan aanu ka dhigano fasax, kuligeenna aan ka qaybgalno dagaalka.”

Gudoomiyaha ayaa hadalkiisa ku xoojiyay in dowladda oo dhan ay tahay inay ka qaybgasho dagaalka, qof welibana waxa uu ku taageeri karo in uu ka gaysto.

“Dowladda oo dhan waa inaanu ka qaybgalno dagaalkaa, af iyo adin qof weliba wuxuu ku taageeri karo aanu ku taageerno. Anigu taladaasaa soo jeedinaya, koley Labada Aqal inay ka wada tashadaan ayay noqonaysaa.” Ayuu yiri Gudoomiye Cabdi Xaashi.

Cabdi Xaashi ayaa hadalkan ka sheegay kulan ay maanta Senatorada Aqalka Sare ku yeesheen Xaruntooda Magaalada Muqdisho, oo ajandihiisu ahaa akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Maareynta Deegaanka.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Khamiistii ku baaqay in Golaha Wasiirada ay ka wada qayb qaataan hawlgalka ka bilowday Gobolada Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc