Home Wararka Maanta Cabdirashiid Janan oo xabsiga laga sii daayay

Cabdirashiid Janan oo xabsiga laga sii daayay

by Laacib

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) oo horey u soo noqday Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa xalay dib u helay xorriyadiisa.

Cabdirashiid Janan ayaa horaantii bishan lagu waayay Magaalada Nairobi, taas oo keentay in dadka qaarkii ay walaac ka muujiyaan badqabkiisa, waxna ay iska weydiiyaan xariggiisa iyo cidda uu u xiran yahay.

Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaanl), Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa maanta xaqiijiyay in Cabdirashiid Janan xalay la geeyay hoygiisa, dibna uu xorriyadiisa u helay.

Wasiirku wax tafaasiil ah kama bixin cidda sii deysay Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland iyo sababtii ka dambeysay xariggiisa.

Xubno siyaasiyiin ah oo ka tirsan Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo odayaal dhaqameedyo ku heyb ah ninkaasi ayaa walaac ka muujiyay maqnaanshihiisa, iyagoo Dowladda Somaliya u diray baaq la xiriira, sidii dib loogu soo celin lahaa xorriyadiisa.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maalmihii ugu dambeysay Magaalada Nairobi u joogay baadigoobka iyo sidii looga sal gaari lahaa cidda uu u xiran yahay.

Madaxweynaha ayaa Dowladda Kenya weydiistay in meel lagu sheego ninkaasi, oo lagu waayay gudaha Caasimadda Nairobi.

Cabdirashiid Janan ayaa 31-kii bishii August ee sanadkii 2019 lagu xiray Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Janan ayaana 28-kii bishii January ee sanadkii 2020 ka baxsaday xabsi guri ay ku haysay Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdirashiid Janan oo mar lagu tilmaami jiray gacanta midig ee Madaxweynaha Jubbaland ayuu khilaaf soo kala dhex galay sanadkii 2020, tani waxay ka dambeysay, ka dib markii Janan uu heshiis la galay Dowladdii Madaxweyne Farmaajo.

Janan ayaa billo uun ka dib ka baxsashadiisii xabsiga Muqdisho, waxa uu saluug ka muujiyay siyaasaddii Jubbaland ay ku wajaheysay Gobolka Gedo, taas oo soo dedejisay in Madaxweyne Axmed Madoobe uu xilka ka qaado

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc