Home Wararka Maanta Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ciidamada kula hadlay furimaha hore (SAWIRRO)

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ciidamada kula hadlay furimaha hore (SAWIRRO)

by Laacib

Ergayga Gaarka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ku booqday fariisimaha ay ku leeyihiin deegaanka Bulacle ee Bariga Gobolka Galgaduud.

Bulacle oo ku taala waddada xiriirisa Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelbuur ayaa waxay ka mid tahay deegaanada gobolka ee horaantii bishan laga saaray maleeshiyada Al Shabaab.

Ergayga oo ay la socdaan Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Cilmi Cali Cabdi ayaa shalay galab ciidamada kula hadlay deegaankaasi.

Ergayga oo dhiirigelin ugu tegay ciidamada ayaa sheegay in dalku uu ku jiro dagaal adag, iyana looga baahan yahay in ay dalka ka ciribtiraan kooxaha argagixisada.

“Waxaa lagu jiraa dagaal aad iyo aad u adag oo Madaxweynihii Jamhuuriyadda uu Dhuusamareeb u joogo, kuligiina aad ka dheregsan tihiin, halkana aad u timaadeen inaad ka qayb qaadataan.” Ayuu yiri Ergayga.

Waxa kaloo uu yiri “Waxaan rabaa dhowr kalmo inaan idin dhaho oo ku saabsan dagaalka aan ku jirnaa muxuu yahay, yaanse kula jirnaa dagaal? Kow dagaalka waxaan kula jirnaa qolo uu sheegay Nabiga CSW oo la yiraahdo Khawaarij, waa qolada keliyaa la yiraahdaa firqo Islaami ah Nabiga uu ka hadlay, oo firqo kale oo Nabiga uu ka hadlay aysan jirin aan ayaga ka ahayn, 18 axaadiith oo Nabiga ama asxaabta laga soo wariyay ayaa ku soo aruurtay nimankaas ayaga ah.”

“Nimankaas Khawaarijta horta kow waxay u dagaalamaan oo ay raadinayaan waa aduunyo (xoolo), waa inaad ogaatiin, midda labaad ay raadinayaan waa aargoosi.” Ayuu sii raaciyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sidoo kale ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Khawaarijta ay dhibaato ku yihiin nolosha ummadda Muslimiinta, lana doonayo in dalka laga sifeeyo, isagoona tusaaleeyay in ay dileen xubno ka mid ah saxaabadii ku dhaweyd Nabiga (NNKH).

“Khawaarijtu dad wax yaqaano ma ahan, diin ma yaqaanaan oo Ilaahayna ma yaqaanaan, dalna ma yaqaanaan oo dadna ma yaqaanaan.” Ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxa uu intaasi ku daray “Nabiga CSW wuxuu yiri qofkii ay Khawaarijta dilaan jannaa u sugnaatay, qofkii ayaga dilana jannaa u sugnaatay, ninkii ayaga dilo oo ay dilaan laba janno ayuu leeyahay oo laba jeer ayuu shahiid yahay. Annaga waxaan u diriraynaa waa inaan diinteenna iyo dalkeenna difaacanaa, oo dowladnimadeenna aan ka difaacnaa nimankaas Khawaarijta ah.”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay si dhab ah ugu babac-dhigaan Khawaarijta, isla-markaana ay dalka ka suuliyaan, maadaama ay si xaq darro ah u banneysanayaan dhiigga dadka Soomaaliyeed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc