Home Wararka Maanta Cabdiweli Gaas “Sida aan wadkayga u hubo ayaan u hubaa in Shabaab laga guuleysanayo”

Cabdiweli Gaas “Sida aan wadkayga u hubo ayaan u hubaa in Shabaab laga guuleysanayo”

by Laacib

Raysal Wasaarihii hore ee Somaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inuu taageersan yahay dadaalka ay Dowladda Federaalka ugu jirto, sidii ay dalka uga ciribtiri lahayd maleeshiyada Al Shabaab.

“Nimankaasi dhowr iyo tobanka sano banneystay dhiigga dadka Soomaaliyeed waxaan rabaa inaan codkayga iyo taageeradayda ku biiriyo madaxdii hore ee hadashay, ee ku saabsanaa halganka iyo dagaalka lagu la jiro nimankan Khawaarijta ah ee banneystay dhiigga dadka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Raysal Wasaarihii hore ee dalka.

Wuxuu sheegay in Somaliya ay leedahay cadow badan, balse cadowgeeda ugu weyn ee maanta uu yahay Shabaab, isagoona ku baaqay in qof kasta uu doorkiisa ka qaato la dagaalanka maleeshiyadaasi.

“Cadowgeennu waa badan yihiin, laakiin cadowga ugu xoog badan ee maanta ay Somaliya leedahay waa cadowga Al Shabaab weeye. Marka waa in la iska kaashado oo qof walbaaba meeshii uu ka leeyahay masuuliyaddiisa uu ka qaato la dagaalanka nimankaas, dalkana aanu ka xoreyno, si dalkayagu uu nabadgelyo, amni, kala dambeen iyo horumar dowladnimada uu u gaaro.” Ayuu yiri Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hadalkan ku sheegay muuqaal uu maanta soo duubay.

Waxa kaloo uu yiri “Dagaalka maanta lagu la jiro Khawaarijta, haddii uu guuleysto Soomaali oo dhan baa wada guuleysatay, haddii dagaalkaasi lagu guuldareystana Soomaali oo dhan baa guuldareysatay, qof gaar ah ma guuldareysanayo, qof gaar ahina guul ma gaarayo, waa waajib ina wada saaran dhammaantayada.”

Cabdiweli Gaas ayaa Culima’udiinka Soomaaliyeed ugu baaqay “Waxaan si gaar ah ugu tartarsiinaya Culimada Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan in ay dagaalkaasi qaybta ugu fiican ka qaataan, oo dadka ay hoggaamiyaan, una sheegaan waxa ay wadaan inaysan diin ahayn iyo inay tahay Alle ka fogaansho waxa ka soo horjeeda Diinteenna Islaamka, qofka Muslimka ah oo dhiiggiisa la xalaaleystaa inaysan Islaamnimo ahayn, inaysan diin ahayn iyo in dhallinyaradeennu laga wacyigeliyo dhibta nimankaasi ay dalka ku hayaan.”

Sidoo kale ganacsatada ayuu ugu baaqay “Ganacsatadu in iyana ay jeebkoodu furaan oo la taageero dagaalka lagu la jiro nimankaas Khawaarijta ah, sababtoo ah cidda haddii amni la helo ka faa’iideysaneysa oo ku baraareysa, kuna horumareysa ganacsatadu weeye. Marka waxaan rabaa iyaguna inay qaybtoodu ka qaataan.”

Gaas ayaa siyaasiyiinta ugu yeeray in wax kasta oo siyaasad ah oo la isku hayo ama kala aragti duwanaansha ahi ee jira in meel la iska dhigo, loona midoobo la dagaalanka Shabaab.

“Marka innagoo Soomaali ah, innaga oo mid ah, innaga oo meel u wada jeedna ayaanu ka guuleysan karnaa Shabaab, haddii aanu qaybsano way guuleysanayaan, haddii aanu midowno annagaa ka guuleysanayna.” Ayuu yiri Gaas oo intaasi ku daray “Guushu waa dhowdahay, waana hubaa sida aan wadkayga u hubo ayaan u hubaa in ugu dambaynta laga guuleysanayo, waxaa laga yaabaa inuu waqtiga dheeraado, inuu gaabtana waa dhici kartaa, laakiin aniga way ii muuqataa meesha u dambeyso ee la isugu imaanayaa inay tahay Shabaab oo laga guuleystay, Soomaali oo midowday oo horumarta.”

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc