Home Wararka Maanta Cali Dheere oo ka hadlay heshiiska Itoobiya badda loogu ogolaaday iyo halka ay ka joogaan

Cali Dheere oo ka hadlay heshiiska Itoobiya badda loogu ogolaaday iyo halka ay ka joogaan

by Laacib

Afhayeenka Guud ee Al Shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa wax xaaraan ah ku tilmaamay heshiiska is afgaradka ah ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya ee Addis Ababa fursadda u siinaya inay deked ka hesho Badda Cas.

“Shirkeenna jaraa’id wuxuu ku saabsan yahay hadal ka soo yeeray Maamulka Xabashida Itoobiya, kuwaa oo sheegay inay heshiis is afgarad ah la gaareen maamulka uu madaxda ka yahay Muuse Biixi. Heshiiskaas oo la sheegay in 20KM oo ka mid ah Xeebaha Somaliya lagu wareejiyay Itoobiya.” Ayuu yiri Afhayeenka Guud ee Al Shabaab.

Afhayeenka ayaa sheegay in Al Shabaab ay ka soo horjeeddo heshiiskaasi, diyaarna ay u yihiin in ay difaacaan Xeebaha Somaliya.

“Haddaba haddii aan nahay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab, waxaan leenahay heshiiskaas waa mid xaaraan ah, baadil ah, burcadnimo iyo boob aan geed loogu gamban ah.” Ayuu yiri Cali Dheere.

Cali Dheere oo sii hadlayay ayaa yiri “Ma aqbalayno in taako dhulka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ay leeyihiin inay Xabashidu qaadato, waxaana arrintaasi ka soo horreya dhiigeenna.”

Cali Dheere ayaa intaasi raaciyay “Ninka heshiiskaas soo saxiixay waa nin aan metelin ummadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah, waana nin dalkiisii iyo dadkiisii iibsaday, Xabashidana shilimaad uga soo qaatay.”

Dowladda Somaliya ayaa si weyn uga hortimid heshiiskaasi oo dhannkeeda ay ku sheegtay mid sharci darro ah, isla-markaana ka tarjumaya, sida Itoobiya ay ugu soo xadgudubtay madaxbannaanida dhuleed ee Somaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Talaadadii khudbad u jeedinayay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa sheegay inaanu heshiiskaasi dhaqangal noqon doonin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc