Home Wararka Maanta Cali Jeyte Cismaan oo loo doortay Madaxweynaha Hiiraan State (SAWIRRO)

Cali Jeyte Cismaan oo loo doortay Madaxweynaha Hiiraan State (SAWIRRO)

by Laacib

Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan ee ka horyimid xil ka qaadistiisii uu toddobaadkii hore ku sameeyay Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta loo doortay Madaxweynaha KMG ee Hiiraan State, ka dib kulan lagu dooranayay oo ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Kulanka oo ay ka qaybgaleen qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka, waxgaradka iyo siyaasiyiin deegaanka ah ayaa sidoo kale waxaa Axmed Cismaan Cabdalla Inji loogu doortay Madaxweyne Kuxigeenka Hiiraan State.

Jeyte oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ay isu keeni doonaan beelaha gobolka, si ay u dhistaan maamul ay ayagu leeyihiin, sida uu yiri.

Jeyte ayaa sheegaya in Hiiraan State uu noqon doono maamul ka madaxbannaan Hirshabelle.

Waxa uu sheegay in qorshaha lagu dhisayo maamulkani aanu ahayn mid hadda uun soo bilowday, balse ay qorshahaasi ku taamayeen tan iyo 16-kii bishii June ee sanadkii hore, markaas oo sida uu sheegay ay bilaabeen gulufka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

“Waxaan diyaar u nahay inaan xisaabtano, waxaan diyaar u nahay kuwo lagu xisaabtamo inaanay annagu noqon, waxaan diyaar u nahay inaan hoggaamiyahoodii noqono. Haddii Ilaahay idmo waxaan isku dayayaa inaan hoggaamin la imaado, inaan idinka horbixiyo dalladaha qaarkood ee idin bahdilay inaan idinka horbixiyo, nafteenna aan baxar u gelino, wiilal badanba god ayay ugu jiraan.” Ayuu yiri Jeyte.

Jeyte ayaa shacabka ka codsaday inay kala shaqeeyaan arrimaha amniga, dhismaha iyo horumarka guud ee gobolka.

“Waxaan hadalkayga ku soo xirayaa, waxaa bilaabanaya wejiga labaad ee hawlgalka, si lixaad oo mug leh inaan uga qaybgalnana waan rabnaa.” Ayuu yiri Jeyte.

Jeyte ayaa intaasi ku daray “Waxaad igu ogtihiin inta nafta igu jirto taako dhul ah oo deegaanka aad ka soo jeedaan ah, inta Shabaab joogo (waa Hiiraan’e) inaanay ku nasan oo ka bixino ayaa igu ballan ah, haddii Alle idmo.”

Dhanka kale warqad uu soo saaray Jeyte ayaa muddo afar maalmood ah lagu hakiyay shaqadii Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne.

Warqadda ayaa lagu sheegay in diyaaradaha aan sidin qaadka, kuwa Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS iyo Qaramada Midoobey mooyee aanay inta kale iman karin magaalada.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in duulimaadyadii rakaabka aanay maanta iman Xarunta Gobolka Hiiraan ee Beledweyne.

Jeyte ayaa 18-kii bishan maamuleyaasha diyaaradaha uga digay inaanay Beledweyne u soo qaadi karin masuuliyiinta Hirshabelle.

Amniga garoonka ayaa waxaa gacanta ku haya Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, waxaase afaafka hore ee garoonkaasi ku sugan ciidamo aad u hubeysan, isla-markaana taabacsan Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan ee xilka laga qaaday.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc