Home Wararka Maanta Cali Jeyte Cismaan oo magacaabay xubno kala duwan

Cali Jeyte Cismaan oo magacaabay xubno kala duwan

by Laacib

Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan ee xilka laga qaaday, balse Axaddii la sheegay in loo doortay Madaxweynaha Hiiraan State ayaa xalay magacaabay xubno kala duwan.

Cali Jeyte ayaa Maxamuud Maxamed Saxane u magacaabay in uu noqdo Afhayeenka maamulkaasi.

Sidoo kale waxa uu magacaabay Gudoomiyeyaasha Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Sare, isagoo Cabdicasiis Axmed Caddow (Jaaburi) u magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, halka uu Cabdiladiif Faarax Aadan u magacaabay in uu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Sare.

Dhanka kale Cali Jeyte ayaa Suleymaan Geeddi Ibraahim u magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee Hiiraan State, iyadoo uu Cabdullaahi Maxamed Faarax (Bicir) u magacaabay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Daraawiishta, halka uu Afrax Cali Xasan (Afrax Yare) u magacaabay Taliyaha Saadka ee Ciidanka Daraawiishta.

Xil ka qaadistii uu Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) uu laba toddobaad ka hor ku sameeyay Gudoomiye Jeyte ayaa xiisad siyaasadeed ka abuurtay Xarunta Gobolka Hiiraan ee Beledweyne.

Jeyte ayaa Axaddii sheegay in Hiiraan State uu noqon doono maamul ka madaxbannaan Dowlad Goboleedka Hirshabelle, waxaana uu bidhaamiyay in qorshaha lagu yegleelayo maamulkani aanu ahayn mid hadda uun soo bilowday, balse ay qorshahaasi ku taamayeen tan iyo 16-kii bishii June ee sanadkii 2022, markaas oo sida uu sheegay ay bilaabeen dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Jeyte ayaa ballanqaaday in uu ka shaqayn doono midnimada dadka reer Hiiraan, isla-markaana uu ka hor leexin doono kuwa caqabadda ku ah.

“Haddii Ilaahay idmo waxaan isku dayayaa inaan hoggaamin la imaado, inaan idinka horbixiyo dalladaha qaarkood ee idin bahdilay inaan idinka horbixiyo, nafteenna aan baxar u gelino, wiilal badanba god ayay ugu jiraan.” Ayuu Jeyte ka sheegay madasha kulankii lagu doortay ee ka dhacay Beledweyne.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc