Home Wararka Maanta Cali Jeyte oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Cali Jeyte oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb (SAWIRRO)

by Laacib

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Cali Jeyte Cismaan ayaa safar dhinaca dhulka ah ku tegay magaaladaasi, ka dib markii uu u yeeray Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu kulan isugu yeeray masuuliyiinta hoggaamineysa hawlgalka ka socda deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle qaybtood.

Cali Jeyte ayaa 9-kii bishan loo xushay in mar kale uu hoggaamiyo wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Jeyte ayaa lahaa abaabulka iyo dardargelinta wejigii hore ee hawlgalka, oo Shabaabka lagaga saaray dhulkii ay ka maamulayeen dhanka bari ee gobolkaasi, qorshaha hadda socdana waa sidii looga kicin lahaa daanta galbeed ee gobolka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc