Home Wararka Maanta Cali Jeyte oo Gobolka Galgaduud kaga qaybgalay shir lagu dardargelinayo dagaalka (SAWIRRO)

Cali Jeyte oo Gobolka Galgaduud kaga qaybgalay shir lagu dardargelinayo dagaalka (SAWIRRO)

by Laacib

Cali Jeyte Cismaan ayaa gelinkii dambe ee Axaddii deegaanka Waradhuumale ee Gobolka Galgaduud kaga qaybgalay shir ay beelaha deegaanka kaga arrinsanayeen dardargelinta dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Shirka oo ay ka qaybgaleen Saraakiisha Ciidamada qaarkood, Wasiiro iyo Xildhibaano Heer Federaal ayaa waxaa laga soo saaray in beeluhu ay iskaashi ka yeeshaan la dagaalanka maleeshiyadaasi.

Cali Jeyte Cismaan oo geba-gabadii shirkaasi la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inaanay dadka Soomaaliyeed lahayn cadow aan Al Shabaab ahayn.

“Muddo ayaa waxaa na lagu haystay been, wax aan jirin oo been ah ayaa na lagu haystay, yaa nagu haystay? Nimankaas Shabaab ah.” Ayuu yiri Cali Jeyte.

Waxa uu sheegay in dadka deegaanku ay go’aan ku gaareen in ay Shabaabka ka saaraan dhulka ay ka haystaan deegaanadooda.

“Wuxuu go’aankayagu yahay inaan nimankaas wax iska niraahno, halkan waxaa ku sugan beelaha Cayr/habargidir, Murusade iyo Xawaadle, waxaana kula dagaalamaynaa Shabaab deegaankeenna inaan ka kicino, dhulka aan deganahay inaan ka saarno.” Ayuu yiri Cali Jeyte.

Sidoo kale waxa uu yiri “War eeg Dowlad Soomaaliyeed oo la doortay ma aha, diin ma wadaan, been 20 sano ah ma anfaceyso, ma anfaceyso.”

Jeyte ayaa bulshada Gobolada Dhexe ku booriyay inay garowsadaan in cadowgoodu uu yahay Shabaab, ayna tahay in ay si wadajira isaga dulqaadaan.

“Waxaan dadka aan metelno u soo qaadnay in ay dagaal la galaan Al Shabaab, intaasaa la go’aamiyay.” Ayuu yiri Jeyte.

Xildhibaan Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) oo ka mid ah Xildhibanaada Golaha Shacabka ayaa goobta ka sheegay in shirkan uu noqon doono kiisii ugu dambeeyay, ee ay kaga hadlayaan dardargelinta dagaalka, hadda ka dibna ay isaga iman doonaan guulaha laga gaaray dagaalkaasi.

“Wixii hadda ka dambeeya waxaan isugu iman doonnaa inaan iska kicinay nimankii, si wixii kaloo talo iyo horumar ah aan kaga hadalno, haddii Ilaahay idmo.” Ayuu yiri Xildhibaan Jacfar.

Xildhibaan Jacfar ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Shirkan Waradhuumale waa go’aankii ugu dambeeyay oo la isla qaatay, waxaana rajeynaynaa inuu go’aankaasi fuli doono.”

Deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle ayaa waxaa ka socdo abaabulkii ugu dambeeyay oo loogu diyaargaroobayo gulufka dagaal ee Shabaabka lagaga saarayo deegaanada ay ka maamulaan bartamaha dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc