Home Wararka Maanta Cali Jeyte oo ka faa’iideystay ciidan ka gadooday Hirshabelle (SAWIRRO)

Cali Jeyte oo ka faa’iideystay ciidan ka gadooday Hirshabelle (SAWIRRO)

by Laacib

Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, balse la sheegay in dhawaan loo doortay Madaxweynaha Hiiraan State ayaa ka faa’iideystay gadood ay maanta Magaalada Beledweyne ka sameeyeen ciidan ka tirsan kuwa Booliska Hirshabelle ee ka hawlgala magaaladaasi.

Ciidamadan oo ka cabanaya dhowr bilood oo aysan wax mushaar ahi qaadan ayaa xiray qaybo ka mida waddooyinka Magaalada Beledweyne, iyaga oo hakad geliyay isu socodkii gaadiidka ee magaaladaasi.

Xubno ka tirsan Maamulka Cali Jeyte ayaa ciidamadaasi ku qanciyay in ay gadoodka joojiyaan, isla-markaana ay ku soo biiraan Ciidanka Daraawiisha Hiiraan State, iyagoo ballanqaaday in Maamulka Hiiraan State uu xuquuqdooda siin doono, taas oo ay aqbaleen.

Cabdicasiis Axmed Caddow (Jaaburi) oo Cali Jeyte uu u magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ciidamada la hadlayay ayaa sheegay in Maamulka Hiiraan State uu bil walba mushaar ahaan u siin doono lacag dhan laba boqol oo dollar ($200), halka ay markii hore qaadan jireen boqol dollar ($100).

“Waxaa ballan iyo axdi ah inaad xuquuqdiina heshaan, waxaa ballan ah inaydaan dayacmin, maanta wixii laga bilaabo waxaan rabnaa inaad la shaqeysaan bulshadiina iyo maamulkiina, wixii maanta ka dambeeyana xaqiina iyo xuquuqdiina diyaar annagaa la ah, anigoo ka wakiil ah Madaxweynaha Hiiraan State, Madaxweyne Kuxigeenka iyo bulshada Hiiraan.” Ayuu yiri Cabdicasiis Jaaburi.

Jaaburi ayaa yiri “Meeshii aad boqol dollar ka qaadan jirteen, waxaa ballan ah Maamulka Hiiraan State inuu laba boqol oo dollar bishan gudaheed idinkaga dhigo ay 14-ka maalmood ka dhiman tahay, wada shaqayn wacan, waddadana hala furo.”

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Cali Jeyte ayaa lagu sheegay in ciidankan oo gaaraya 250 askari aanay muddo afar bilood wax mushaar ahi ka helin Hirshabelle.

Ciidamada ayaa la sheegay in markii dambe la geeyay goobta uu ka socdo Dhismaha Madaxtooyada cusub ee ay Hiiraan State dhisaneyso.

Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Gudoomiyaha magacaaban ee Gobolka Hiiraan, Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow) oo qudhiisu ku sugan Magaalada Beledweyne ayaan weli ka hadlin ciidamada ka goystay maamulka.

Tani ayaa imaanaysa, xilli Ciidamada Hirshabelle ay ku kala qaybsamayn xil ka qaadistii uu Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) uu bishii hore ku sameeyay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan.

Beledweyne ayaa waxaa muddo bil ah ka taagan xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay xil ka qaadistaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc