Home Wararka Maanta Cali Jeyte oo si diiran loogu soo dhaweeyay Degmada Maxaas (SAWIRRO)

Cali Jeyte oo si diiran loogu soo dhaweeyay Degmada Maxaas (SAWIRRO)

by Laacib

Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan ayaa maanta gaaray Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Cali Jeyte Cismaan oo ay la socdeen xubno uu ka mid yahay Wasiirka Batroolka & Macdanta ee Xukuumadda Federaalka, Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay degmadaasi.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in dadka deegaanka ay si weyn ugu diyaargaroobeen, markii ay maqleen in magaalada uu ku soo wajahan yahay Cali Jeyte.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Cali Jeyte ugu yeeray in mar kale uu ku soo laabto furimaha hore, si dowladdiisa uu uga gacan-siiyo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweynaha oo lagu wado in Degmada Maxaas uu gaaro ayaa halkaasi kula kulmi doona Cali Jeyte, oo uu kala hadli doono hawlgalka la damacsan yahay in Al Shabaab lagaga sifeeyo bartamaa dalka.

Maxaas oo ay ku sugan yihiin ciidan xoog leh ayuu qorshuhu yahay in mar kale ciidamada lagu jiheeyo gulufka lagu xoreynayo Magaalada Ceelbuur iyo deegaanada hoostagga.

Ciidamada oo 25-kii bishii hore ee August mar gacanta ku dhigay Ceelbuur ayaa maalmo ka dib soo banneeyay fariisimihii ay ka sameysteen magaaladaasi iyo deegaanka Wabxo, oo qiyaastii 43km dhanka waqooyi kaga beegan Ceelbuur.

Tani ayaa loo aaneeyay ciidamada oo ka gadooday istiraatiijiyadda dagaal ee lagu wajahayo Shabaabka Galmudug, oo ay u arkayn mid ay wax ka khaldan yihiin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc