Home Wararka Maanta Cali Jeyte oo si kulul u weeraray Madaxweynaha Hirshabelle

Cali Jeyte oo si kulul u weeraray Madaxweynaha Hirshabelle

by Laacib

Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, balse sida la sheegay dhawaan loo doortay Madaxweynaha Hiiraan State ayaa Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ku eedeeyay inaanay daacad ka ahayn dagaalka lagu la jiro maleeshiyada Al Shabaab.

Cali Jeyte Cismaan oo ka waramayay waxyaabihii ay isu khilaafeen Madaxweynaha Hirshabelle ayaa sheegay in khilaafkooda uu salka ku hayo dagaalka ay dadka reer Hiiraan kula jiraan maleeshiyadaasi.

Waxa kaloo uu sheegay in Madaxweynaha Hirshabelle uu musuq-maasuqay dhaqaale loogu talagalay in lagu horumariyo gobolka.

“Waxaan isu qabanay horumarka ummadda, wax kale isu maynaan qaban, waxaysan raali ka ahayn cadowga Shabaab inaan dalka ka saarno, raali kama aynaan ahayn Hirshabelle.” Ayuu yiri Cali Jeyte.

Waxa kaloo uu yiri “Waxaana caddayn kuu ah dhowr arrimood oo ay sameeyeen. Ninka weli madaxda ka ah Hirshabelle, illaama aan ka tagnay Aadan Yabaal hal maalin guulaha Ilaahay Shabaab naga siiyay idaacadda kama uusan sheegin, taasi waxay ku tuseysaa inuusan raali ka ahayn, mar hadduusan ka sheegan idaacadda guulaha laga gaaray cadowgii ummadda Soomaaliyeed, yacni ay noqon weydayba inuu aqbalo guulaha Ilaahay naga siiyay Shabaab, waxayna kuu caddeynaysaa inuusan raali ka ahayn, waana ku khasabnay Shabaab dagaalkeeda inaan soo gelino, khasab baan kaga dhignay, aqalka uu joogo ayaan ugu gaynay, waxyaabaha aan isu qabanay taasaa kow ka ahayd.”

Cali Jeyte oo Warbaahinta gudaha la hadlay ayaa yiri “Afar milyan oo dollar ayay Dowladda Dhexe bixisay oo adduunku bixiyay, waxaa loogu talagalay in caafimaadka, waxbarashada, maamul-wanaagga iyo la dagaalanka cadowga Al Shabaab miisaaniyad in lagu bixiyo, annaga toban kun oo dollar ayaan maalintaan Bukure joognay nooga soo diray, hadda ka horna idaacadda waan ka sheegay. Dagaalka intaa le’eg ee halka sano lagu jiray afartii milyan, tobankaa kun ayaa ka gashay dagaalka, sababta waa dagaalka inuusan raali ka ahayn.”

Waxa uu intaasi ku daray “Xikmadda dhan runteeda haddaan kuu sheego cadowga in lala dagaalo marna raali lagama aha, horumar dadkaanu inay ku tallaabsadaan raali lagama aha, wax nidaam salka ku hayo wax uu garan karo Cali Guudlaawe ma aha, waxa aan ka hadlayo.”

Mar wax laga weydiiyay sababta uu u diiday martiqaadkii uu dhammaadkii bishan June uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu fidiyay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inaanu u safri doonin Caasimadda Muqdisho, balse haddii Madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo in uu arrinta Hiiraan wax ka qabto ay tahay in Beledweyne uu yimaado.

“Qofkii walaac qabo intuu imaanaya, Muqdisho bil ka horaa ka imid, markii la ii yeerayay, hadday run taagan yihiin xiisadda waa in loo yimaadaa ee aniga inaan u taggo ma aha.” Ayuu yiri Jeyte.

Jeyte ayaa gaashaanka u daruuray wararka sheegaya in uu martiqaadkii Muqdisho uga baaqsaday, isagoo ka baqdin qaba suurtagalnimada in Dowladda Federaalka ay xabsiga dhigto.

“Gaadiidkayga anigoo wataa geli karaa Muqdisho oo dalka meesha aan doono ka mari karaa, anoo hubkayga wata ayaan Muqdisho geli karaa, cid i hor istaagi kartana ma jirto, xuquuqda dalka waa loo siman yahay.” Ayuu yiri Jeyte oo intaa raaciyay “Xasan Sheekh waa Madaxweynihii Jamhuuriyadda Somaliya, qaanuun baa qofka lagu xiraa, qaanuun baa wax loogu diidaa ee jujuub wax la yiraahdo ma jirto, baqdin aniga ahna ma jirto.”

Madaxweyne Guudlaawe ayaa bishii hore xilka ka qaaday Ex Gudoomiye Jeyte, isagoona ku soo bedelay Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow), tani oo xiisad siyaasadeed ka abuurtay Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Hirshabelle iyo Kuxigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) oo isu waafaqan xil ka qaadista Jeyte ayaa qaba in xil ka qaadistiisa ay muhiim u tahay barnaamijka dayn-cafinta dalka, oo shuruudaha horgudbin ay qayb ka tahay mideynta nidaamka maaliyadeed ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, iyagoo ku eedeynaya in uu diiday in la mideeyo canshuurta labada gobol ee Hirshabelle (Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe).

Jeyte ayaa horaan sheegay inaanan la joogin xilligii la mideyn lahaa canshuurta labadaasi gobol, isla-markaana ay qaadi lahayd Wasaaradda Maaliyadda Hirshabelle, sababtuna tahay in canshuurta ay qaadaan sida uu yiri ay u adeegsanayaan dardargelinta dagaalka, saadka iyo taakuleynta ciidamada, haddii aanay jirin sida uu sheegay meelo kale oo ay kab maaliyadeed ka helaan.

Madaxda Dowladda Federaalka ayaan iyagu weli ka hadlin xiisadda ka aloosan gobolkaasi, oo u muuqato inay tahay laba kala daran mid dooro, haddiiba ay dhinac la safanayaan.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa la fahamsan yahay in uu ku jahwareersan yihiin dhabihii ay dowladdiisu u mari lahayd wax ka qabashada xiisadda gobolka oo madax xanuun ku riday, waana Madaxweyne Xasan Sheekh oo aan mucaaradi karin Madaxda Hirshabelle, si uu kaga fogaado in labada dhinac ay kala irdhoodaan xilligan xasaasiga ah oo xaaladi ay ka jirto qaybo ka mida dalka iyo dhanka kale oo Jeyte ah, oo ay la duuban yihiin dadka gobolka iyo Soomaalida inteeda kale, maadaama uu tusay in muddo kooban lagaga adkaan karo kooxaha argagixisada.

Jeyte oo lahaa abaabulka iyo dardargelinta wejigii hore ee hawlgalka ayaa ku guuleystay, isagoo hoggaaminaya cutubyo ka tirsan ciidamada iyo dadka deegaanka in Shabaabka laga saaro bariga gobolkaasi, taas oo la fahamsan yahay in ay soo dedejisay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu si dhiiranaan leh uu 1-dii bishii January ugu dhawaaqo in dowladdiisu ay muddo sanad ahi dalka kaga ciribtiri doonto kooxaha argagixisada, isla-markaana uu garowsan yahay in Jeyte uu muhiim u yahay dagaalkan ay dowladdiisu kula jirto kooxahaasi.

Si kastaba ha-ahaatee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la eegaya go’aanka ay dowladdiisu ka qaadan doonto xiisadda gobolka, oo hadda jirsatay 5 toddobaad.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc