Home Wararka Caalamka Carruurta dhiciska ee Gaza oo qaarkood la geeyay dalka Masar (SAWIRRO)

Carruurta dhiciska ee Gaza oo qaarkood la geeyay dalka Masar (SAWIRRO)

by Laacib

Carruurtan oo 28 gaareysay ayaa maanta lagu wareejiyay Dowladda Masar, si xaaladooda loogu la tacaalo isbitaalada dalkaasi.

Caruurtan oo gelinkii dambe ee Axaddii laga qaaday Isbitaalka Al-Shifa ee waqooyiga Gaza ayaa la geeyay xadka Rafah, oo markii dambe looga sii qaaday dhinaca Masar.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa sheegay in 31 carruur ah oo laga daadgureeyay isbitaalkaasi loo qaaday dhanka dalka Masar, inkastoo markii dambe 3 ka mid ah lagu reebay Marinka Gaza.

Saraakiisha ayaa sheegay in sababta carruurtaasi loogu reebay Gaza ay tahay, in 2 ka mid ah ay u harayn sababo la xiriira duruufaha qoysaskooda, halka midka kalena aan weli qoyskiisa la aqoonsan.

Sidoo kale Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Masar oo ku sugnaa xadka Rafah ayaa lagu wareejiyay carruurtaasi. Gaadiid ambalaasyo ah oo halkaasi ku diyaarsanaa ayaana lagu geeyay gudaha Masar.

Hay’adda UNICEF ayaa sheegtay in carruurtaasi lagu daryeeli doono isbitaalada ku yaala Masar.

Daadgureynta carruurtan ayaa waxaa iska kaashaday Hay’adda Bisha Cas ee Falastiiniyiinta, Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada ee OCHA.

Dunida ayaa walaac xoog leh ka muujisay hawlgalka Ciidamada Israel ay kula wareegeen Isbitaalka Al-Shifa, oo ah kan ugu weyn ee Marinka Gaza.

Dhakhaatiirta isbitaalka oo markii horeba ku shaqeynayay koronto la’aanta iyo sahaydii dawada oo ka dhammaatay ayaa sheegay in xaaladda isbitaalkooda uu kaga sii daray hawlgalka Militariga Israel.

Ciidamada Israel ayaa Sabtidii shaqaalaha caafimaadka ee Isbitaalka Al-Shifa, bukaanada iyo dadka kale ee gabaadka ka dhiganayay ku amaray in ay isaga baxaan, balse maamulka isbitaalkaasi ay u sheegeen inaysan taasi suurtagal ahayn, maadaama aysan haysan gaadiid lagu daadgureeyo bukaanada. Dadkii kale ee isbitaalkaasi ku soo barakacay ayaa saacad gudaheed ku banneeyay halkaasi.

Israel ayaa Axaddii soo bandhigtay muuqaal ay ku sheegtay god ay Xoogaga Xamaas leeyihiin oo ku dhex yaala isbitaalkaasi, kaas oo ay sheegeen in uu ahaa yoolka hawlgalkooda ka dhanka ah Xamaas.

Xamaas ayaa been abuur ku tilmaamtay godka ay muuqaalkiisa soo bandhigeen Ciidamada Israel.

Israel waxay isku dayeysaa in ay qiil u hesho hawlgalkeeda ka dhanka ah goobaha caafimaadka ee Gaza, oo sida ay sheegtay ay Xamaas u adeegsato hawlgaladeeda.

Dalalka caalamka, gaar ahaan kuwa taageera Israel ayaa dhalleeceeyay hawlgalkeeda isbitaalada, iyagoona ugu yeeray in ay si degdeg ah u joojiso, balse Israel ayaa sameynaysa wax kasta oo ay sharci kaga dhiganeyso bartilmaameedyadeeda isbitaalada, oo duqaymaha xagga cirka ahina ay qayb ka yihiin.

Si kastaba ha-ahaatee Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa Israel ku dhaliilay in ay kaga sii dartay xaaladda bani’aadantinimo ee Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc