Home Wararka Maanta Catriona Laing oo booqashadeedii ugu horreysay ku tagtay Hirshabelle (SAWIRRO)

Catriona Laing oo booqashadeedii ugu horreysay ku tagtay Hirshabelle (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa Xarunta Madaxtooyada Hirshabelle ee Magaalada Jowhar ku qaabilay wafdi ay hoggaamineyso Wakiilka cusub Qaramada Midoobey ee dalka, Catriona Laing oo maanta gaaray magaaladaasi.

Madaxweynaha oo kulankaasi ay ku wehlinayeen qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada ayaa wafdiga Qaramada Midoobey kala hadlay dardargelinta wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, deegaanada lagu xoreyay wejigii hore ee hawlgalka, daadejinta adeegyada bulshada, waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo gargaarka.

Madaxweynaha ayaa haweeneydaasi uga mahadceliyay inay Hirshabelle ku timaado booqashadeedii ugu horreysay ay ku tagto Dowlad Goboleedyada.

Madaxweynaha ayaa shir jaraa’id ka sheegay in wafdiga Catriona Laing ay sidoo kale ka wada hadleen deegaanada laga saaray maleeshiyada Al Shabaab, qorshaha lagu xasillinayo deegaanadaasi iyo sidii adeegyada bulshada lagu gaarsiin lahaa.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Hirshabelle ay door muuqdo ka qaadan doonto wejiga 2aad ee gulufka ka dhanka ah Shabaabka, deegaanada ay Hirshabelle ka haystaana laga saari doono.

Waxa kaloo uu sheegay in wafdigaasi ay si dhow uga wada hadleen, sidii kaalmada bani’aadanimo lagu gaarsiin lahaa qoysaska ku barakacay daadadkii ka dhashay fatahaadda Webiga Shabelle ee sida weyn u saameysay Magaalooyinka Beledweyne iyo Buulo Burde.

Catriona Laing ayaa waxaa socdaalkan ku wehlinayay xubno uu ka mid yahay Kuxigeenkeeda ahna Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadanimada ee Xafiiska UNSOM, George Conway.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc