Home Wararka Maanta Ciidamada amniga ee Magaalada Guriceel oo heegan la geliyay

Ciidamada amniga ee Magaalada Guriceel oo heegan la geliyay

by Laacib

Ciidamada amniga ee ka hawlgala Magaalada Guriceel ayaa heegan la geliyay, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay qorsheynayaan weeraro ay ka gaystaan magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyadu ay diyaariyeen gaadiid lagu soo raray walxaha qarxa, ayna suurtagal tahay in ay weeraro kaga gaystaan Degmooyinka Gobolka Galgaduud qaarkood.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ay Maamulada Degmooyinka Galmudug la wadaagtay xogo sirdoon, oo ku aaddan in ay ka feejignaadaan khatar amni oo haatan kaga iman karta kooxaha argagixisada.

Ciidamada Booliska iyo kuwa Hay’adda Nabad Sugidda ee ka hawlgala Magaalada Guriceel ayaa la faray in ay heegan galaan, iyadoo dhanka kalena ciidamo ka tirsan Guutada 15aad, Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka lagu xoojiyay ciidamada ku sugan kontoroolada lagu hubiyo amniga gaadiidka ee ku yaala bannaanada hore ee magaaladaasi.

Tani ayaa la doonaya in lagaga falceliyo oo looga hortaggo gaadiidka miineysan ee laga digay in lagu soo weerari karo Guriceel.

Saraakiisha Ciidamada ayaa kuu sheegaya in ay heleen macluumaad la xiriira in ay jirto khatar dhinaca amniga ah, isla-markaana ay ciidamadu u diyaarsan yihiin in ay ka hortaggaan weerarada la sheegayo in Shabaabku ku soo qaadi karaan magaaladaasi.

Shabaabka ayaa Khamiistii gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa ku weeraray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, inkastoo ay ciidamadu ku fashiliyeen afaafka hore ee magaaladaasi.

Xubno ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab ayaa Sabtidii iyo Khamiistii shalay gaadiid ku cabeysnaa qaraxyo ku weeraray Magaalooyinka Beledweyne iyo Buuloburde ee Gobolka Hiiraan, weeraradaasi oo galaaftay nolosha dad u badnaa shacab.

Shabaabka oo dareensan in gulufka dagaal ee kaga furan Gobolada Dhexe uu caqabad ku yahay joogitaankii bartamaha dalka ayaa geed dheer iyo mid gaabanba u fuulaya, sidii ay hawlgalkaasi u fashilin lahaayeen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc