Home Wararka Maanta Ciidamada amniga oo Kismaayo ku qabtay nin dil ka gaystay Muqdisho

Ciidamada amniga oo Kismaayo ku qabtay nin dil ka gaystay Muqdisho

by Laacib

Ciidamada amniga ee Magaalada Kismaayo ayaa gacanta ku dhigay nin loo haysto inuu dil ka gaystay Magaalada Muqdisho, kana baxsaday goobtii uu dilka ka gaystay.

Ninkan ayaa ku eedeysan dil 4-tii bishan qof shacab ahaa loogu gaystay Degmada Hodan, gaar ahaan agagaarka Carwo Alkowthar.

Eedeysanaha oo maanta dib loogu celiyay Magalaada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo bandhigay Saldhigga Booliska ee Degmada Hodan.

Qoraal ka soo baxay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in eedeysanaha uu baaritaan socdo, lana horkeeni doono sharciga.

“Eedeysanaha ayaa waxaa ku socota baaris, waxaana la waafajin doonnaa caddaaladda, hadduu Alle idmo.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodisho), Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa horaantii bishii March sheegay in qof kasta oo dil ka gaysta dalka aanu ku baxsan dalka gudihiisa, isla-markaana ay wada shaqayn leeyihiin Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc