Home Wararka Maanta Ciidamada Dowladda oo adkeeyay ammaanka Magaalada Muqdisho

Ciidamada Dowladda oo adkeeyay ammaanka Magaalada Muqdisho

by Laacib

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa maanta si weyn u adkeeyay amniga Magaalada Muqdisho, xilli Muqdisho looga diyaargaroobayo munaasabadda 26-ka June.

Laamaha amniga ayaa waddooyinka qaar ee magaalada ku soo daadiyay ciidamada sugaya ammaanka caasimadda.

Ciidamada ayaa goobaha qaar lagu arkaya, iyagoo baaraya gaadiidka iyo dadka la socda, su’aalana weydiinaya.

Toddobaadka xorriyadda ayaa caawa ka bilaabaneysa dalka, oo ay ugu soo horreyso tan 26-ka June oo ku aaddan, markii Gobolada Waqooyi ay ka xoroobeen gumeystihii Ingiriiska.

Munaasabadda xuska 26-ka June ayaa lagu wadaa in caawa ay ka qabsoomto Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Maalmaha soo socda ayaa sidoo kale lagu wadaa in caasimadda laga xuso 1-da Luulyo oo iyana ku beegan, markii Gobolada Koonfureed ay ka xaroobeen gumeystihii Talyaaniga iyo israacii Gobolada Koonfurta & Waqooyiga Somaliya.

Dhanka kale qoraal ka soo baxay Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka ayaa lagu fasaxay shaqaalaha rayidka, munaasabadaha toddobaadka xorriyadda awgood.

Toddobaadka xorriyadda ayaa si weyn looga xusaa qaybo badan oo dalka ka mid ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc