Home Dhacdooyin Ciidamada Dowladda oo soo afjaray weerarkii Hotel Pearl Beach

Ciidamada Dowladda oo soo afjaray weerarkii Hotel Pearl Beach

by Laacib

Ciidamada Dowladda ayay u suurtagashay in goor dambe oo xalay ahayd soo afjaraan weerarkii Hotel Pearl Beach ee Magaalada Muqdisho, inkastoo Dowladda Federaalka aysan weli si rasmi ah ugu dhawaaqin in la soo afjaray hawlgalkaasi.

Dabley ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab ayaa xalay fiidkii weeraray hotelkaasi, oo ku yaala Xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in ciidamadii hawlgalka waday ay haatan si buuxdo gacanta ugu hayaan dhismaha hotelkaasi, isla-markaana ay weerarka soo afjareen xilligii uu soo dhawaa waqtiga Salaadda Subax.

Hawlgalkan ayaa waxaa horkacayay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Korneyl Mahdi Cumar Muumin, iyadoona Booliska Sida Gaarka ah u tababaran ee Haramcad ay yihiin kuwa dagaalka adag la galay dableydii weerarka soo qaadday.

Ciidamada Booliska iyo Nabad Sugidda Gobolka Banaadir ayaa lagu arkayaa waddooyinka soo gala hotelkaasi, oo tan iyo xalay xirnaa.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in illaa 6 nin ay ka dhex dagaalamayeen hotelkaasi, kuwaa oo mararka qaarkood ciidamada ku caabinayay bambaanooyinka nooca gacanta laga tuuro.

Xilligii uu weerarku bilaabanayay, dadkii goobta ka ag-dhawaa ayaa sheegay in nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa uu isku qarxiyay afaafka hore ee hotelkaasi, ka dibna ay gudaha u galeen dhowr nin oo ku hubeysnaa qoryaha fudud, qaarkoodna jawaano ku waday wax loo maleynayo rasaas iyo qaraxyo.

Weerarka ayaa dhacay fiidnimo Jimce ah, oo dadku ay ka nasanayeen shaqooyinka. Maalmaha Jimcaha ayay dadka reer Muqdisho waqti nasiino ah ku qaataan goobaha bilicda indha qabadka leh ee magaalada.

Pearl Beach oo isugu jira hotel iyo maqaaxi laga cunteeyo ayaa loo dhisay qaab casri ah, iyadoona ay dadku jecel yihiin inay waqti madadaalo iyo nasiino lehba ku qaataan maalmaha fasaxa.

Warbaahinta ayaa fahamsan in weerarka lagu qaaday uu ka dambeeyay, ka dib markii maamulka hotelkaasi ay iska diideen inay dhaqaale siiyaan maleeshiyada Al Shabaab.

Ganacsatada xarumaha ganacsi ku leh aagga Xeebta Liido ayaa u badan kuwo ka dhega adeygay awaamiirta kooxaha argagixisada, ee ah inay bixiyaan lacagaha ay ka doonayaan.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii saddexaad ee ay Shabaabku ku qaadaan hotel ku yaala Caasimadda Muqdisho, tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xafiiska dib ugu soo laabtay sanadkii hore.

Mintidiinta ayaa 19-kii bishii August weerar ku galay Hotel Xayaat oo ku yaala agagaarka Isgoyska KM4, halka weerarkii xigayna ay 27-kii bishii November ka gaysteen Hotel Villa Rays oo dacalka ku haya Xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Weerarka Pearl Beach Hotel ayaase ku soo aadaya, xilli dhowrkii bilood ee ugu dambeysay is bedel weyn oo dhanka amniga ah laga dareemay Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc