Home Dhacdooyin Ciidamada Israel oo burburiyay isbitaalkii ugu weynaa ee Gaza (SAWIRRO)

Ciidamada Israel oo burburiyay isbitaalkii ugu weynaa ee Gaza (SAWIRRO)

by Laacib

Ciidamada Israel ayaa Isniintii isaga baxay Isbitaalka Al-Shifa ee Marinka Gaza, ka dib muddo laba toddobaad ah oo hawlgal ay ka wadeen isbitaalkaasi.

Ciidamada Israel ayaa 18-kii bishii March weeraray isbitaalkaai oo ku yaala waqooyiga Gaza, ka dib markii ay sheegeen in ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan dagaal-yahanada Xamaas, isla-markaana ay weeraro ka soo abaabulaan, warkaas oo Xamaas ay si adag u beenisay.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in ciidamadooda ay dileen, isla-markaana ay soo xireen boqolaal ka tirsan waxa ay ku sheegeen argagixisada.

Waxa kaloo ay sheegeen in isbitaalka ay ka heleen hub iyo weliba dokumenti sirdoon, oo sida ay sheegeen ay leedahay Xamaas.

“Ciidanka Difaaca Israel waxay dileen 200 oo argagixiso ah, waxayna soo xireen 500 oo kale, hub iyo dokumenti sirdoona way ka heleen isbitaalka.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Militariga Israel.

Muddada uu hawlgalku socday, Ciidamada Israel oo watay taangiyadooda, ayna taageerayeen diyaaradahooda dagaalka ayaa burbur xoog leh u gaystay isbitaalka iyo dhismayaasha kale ee ku dhow dhow.

Xoogaga wax iska caabinta Falastiiniyiinta oo soo dul degay Ciidamadii Israel ee isbitaalka weeraray ayaa dagaal culus kula galay waddooyinka soo gala.

Muuqaalada laga helay isbitaalka iyo xaafadaha ku teedsan ayaa muujinaya burbur baahsan, oo ay Ciidamada Israel u gaysteen isbitaalkaasi iyo dhismayaasha kale ee ku dhow dhow.

Dhismaha isbitaalka ayaa waxaa ka muuqanaya in la gubay, iyadoona Israel ay kooxaha wax iska caabinta ku eedeysay in ay ka dhex dagaalameen gudaha isbitaalka, isla-markaana ay qaraxyo ku burburiyeen.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in Ciidamada Israel ay goobta uga taggeen meydad fara-badan.

Muuqaalada ayaa laga arki karay meydad ku duuban bustayaal, kuwaa oo qaarkood si xun loo dilay. Dhammaan dadkaasi waxay ahaayeen rayid, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka.

Isbitaalkan ayaa muddooyinkii ugu dambeysay hoy u ahaa in ka badan 7,000 oo qof, oo isugu jira bukaano iyo dad barakacayaal ah, waana mid ka mid ah xarumaha daryeelka caafimaadka ee qayb ahaan ka shaqeynayay waqooyiga Gaza, waana isbitaalkii ugu weynaa ee ku yiilay Marinka Gaza.

Ciidamada Israel ayaa bishii November weeraray isbitaalkaasi, markaas oo ay sheegeen in Xamaas ay ku leedahay saldhig dhulka hoostiisa ah, tiiyoo aanay Israel xaqiiqadeeda bannaanka keenin.

Weerarka isbitaalka ayaa dhaliyay qaylo dhaan caalami ah, iyadoona Israel ay Gaza ka gaysatay xadgudubyo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc