Home Wararka Caalamka Ciidamada Israel oo caqabad aan laga gudbi karin ay ku noqotay dagaalka ka socda Khan Yunis

Ciidamada Israel oo caqabad aan laga gudbi karin ay ku noqotay dagaalka ka socda Khan Yunis

by Laacib

Wararka ka imaanaya koonfurta Marinka Gaza ayaa sheegaya in maanta uu dagaal culus halkaasi ku dhex marayo Ciidamada Israel iyo xoogaga wax iska caabinta Falastiiniyiinta.

Dagaalka ayaa ka soconaya bariga iyo galbeedka ee deegaanka Khan Yunis, halkaas oo ay ku yaallaan godadka ugu badan ee ay Xoogaga Xamaas ku leeyihiin Gaza.

Ciidamada Israel ayaa toddobaadkii 6aad isku dayaya, sidii ay ku gaari lahaayeen bartamaha Khan Yunis, oo ay tuhunsan yihiin in lagu hayo la haysteyaasha Israeliyiinta, isla-markaana uu ku sugan yahay Gudoomiyaha Ururka Xamaas ee Marinka Gaza, Yahya Sinwar.

Militariga Israel oo dhanka cirka ay ka taageerayaan diyaaradahooda dagaalka ayaa iska caabin xoogan kala kulmaya dagaal-yahanaya isku dayaya in ay difaacaan dhulka Falastiiniyiinta.

Dagaalka ayaa sidoo kale ka soconaya agagaarka Xarunta Caafimaadka Nasser ee galbeedka Khan Yunis, oo maalintii qaabila dhaawacyada boqolaal qof oo rayid ah. Dhakhaatiirta iyo shaqaalaha ka hawlgala isbitaalkaasi ayaa laga soo xigtay in Ciidamada Israel ay duqayn baahsan ka gaysanayaan dhismayaasha ku dhow dhow isbitaalka, taas oo halis gelinaysa in isbitaalku uu sii shaqeeyo.

Ugu yaraan laba qof oo rayid ah ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay duqayn ay Ciidamada Israel ka gaysteen agagaarka Isbitaalka Al-Amal ee deegaanka Khan Yunis. Duqayntan ayaa daba socoto duqayn kale oo Ciidamada Israel ay shalay u gaysteen isbitaalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Israel ay sidoo kale duqeeyeen xaafadda Al-Katiba ee ka tirsan Khan Yunis, mana cadda waxyeelada ay duqayntaasi gaysatay.

Qof kale oo Falastiini ah ayaa ku dhintay guri la degan yahay oo ku yaala Khan Yunis, oo sida la sheegay ay gantaal ku dhufatay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah.

Illaa Jimcihii 18 qof oo shacab ah ayaa ku dhintay weerarada xagga cirka ah ee ay Ciidamada Israel ka wadaan Khan Yunis.

Duqaynta ay Israel ka gaysaneyso goobaha rayidka ayaa ah kuwo lagu barakacinayo shacabka weli ku harsan dhanka koonfureed ee Marinka Gaza.

Taliska Militariga Israel ayaa isku dayaya in ay isku xirmaan ciidamadooda ka dagaalamaya koonfurta iyo bartamaha Gaza, si loo wiiqo cududda Xoogaga Xamaas.

Taasi bedelkeeda Ciidamada Israel ee ka dagaalamaya bartamaha iyo koonfurta Gaza ayaa la sheegaya in qaarkood la go’doomiyay, isla-markaana ay adag tahay in dhinaca dhulka looga gurmado. Diyaaradaha xamuulka ee militariga ayaa mararka qaarkood la arkaya, iyagoo dhanka hawada saadka iyo sahayda ka siinaya ciidamada.

Iska caabinta ayaa dhaawacday mooralka Ciidanka Difaaca Israel, waxayna wiiqday rajada maamulka ee ah in dagaalka laga gaaro saddexda hadaf ee laga leeyahay, sida burburinta Xamaas, in xoog lagu soo furto la haysteyaasha Israeliyiinta iyo in Gaza laga dhigo meel aan mustaqbalka khatar amni ku ahayn Israel.

Dagaalka Gaza oo galay bishii 4aad ayaynaan illaa iyo hadda Israel ku guuleysan mid ka mid ah yoolasheeda ay ugu duushay Gaza.

Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel ayaa ku celiyay in hawlgalkooda militari ee Gaza uu sii socon doono, illaa iyo inta laga takhalusayo waxa uu ku sheegay argagixisada Xamaas.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc