Home Dhacdooyin Ciidamada Israel oo dad bukaan ahaa u dilay oxygen la’aan

Ciidamada Israel oo dad bukaan ahaa u dilay oxygen la’aan

by Laacib

Ciidamada Militariga Israel ayaa lagu eedeeyay in ay si naxariis darro ah u dileen saddex qof oo bukaan ahaa, ka dib markii ay is hortaaggeen oxygen-kii ay u baahnaayeen.

Ciidaamda Israel oo go’doomiyay Isbitaalka Al-Amal ee koonfurta Marinka Gaza ayaa is hortaagay in oxygen-ka la geeyo isbitaalkaasi.

Hay’adda Bisha Cas ayaa sheegtay in bukaanadaasi ay u geeriyoodeen oxygen-kii ay u baahnaayeen ee la diiday in xaaladdooda lagu la tacaalo.

“Dhibaneyaasha ayaa ku dhintay Isbitaalka Al-Amal oo ku yaala Khan Yunis, sababo la xiriira mamnuucidda gelitaanka qalabka oxygen-ka ee isbitaalkaasi.” Ayay ku warantay Wakaaladda Wararka Falastiiniyiinta ee WAFA oo soo xiganeysa Bisha Cas.

Bisha Cas ayaa Axaddii sheegtay in Ciidamada Israel ay sidoo kale burburiyeen agabka caafimaad ee isbitaalka, intii lagu jiray duulanka ay ku qaadeen isbitaalkaasi, maalin ka hor.

Dhanka kale Ciidamada Israel ayaa lagu eedeeyay in ay tacadiyo iyo jirdilba u gaysteen maamulka isbitaalka, shaqaalaha caafimaadka iyo dad rayid ah oo ay qayb ka yihiin bukaano.

Ciidamada Israel ayaa sii wada inay xanibaan marinka sahayda caafimaad ee muhiimka u ah dhulka la go’doomiyay, iyagoona halis geliyay nolosha kumanaan bukaan oo halkaasi ku sugan, waana xilli ay socdaan weeraro cir iyo dhul ah oo aan kala joogsi lahayn.

Isbitaalada Nasser iyo Al-Amal oo ah kuwa qura ee haray ee ku yaala Khan Yunis ayay xitaa Militariga Israel diideen in la geeyo shidaalka lagama maarmaanka ah, si ay u sii shaqeeyaan koronto dhaliyeyaasha isbitaaladaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc