Home Wararka Maanta Ciidamada Israel oo dad rayid ah ku laayay agagaarka Isbitaalka Al-Amal

Ciidamada Israel oo dad rayid ah ku laayay agagaarka Isbitaalka Al-Amal

by Laacib

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa maanta duqayn ay dad rayid ah ku dhinteen ka gaystay afaafka hore ee Isbitaalka Al-Amal ee koonfurta Marinka Gaza.

Isbitaalkan oo ku yaala deegaanka Khan Yunis ayaa inta la ogyahay waxaa duqaynta ku dhintay toban qof, halka 21 kalena ay ku dhaawacmeen.

Hay’adda Bisha Cas ee Falastiiniyiinta ayaa cambaareysay weerarkaasi, oo ay sheegtay inuu noqonayo kiisii 5aad ee Israel ka gaysato aagga isbitaalkaasi, muddo dhowr cisho ah.

“Maanta waxaa la beegsaday agagaarka Xarunta Isbitaalka Al-Amal ee Khan Yunis, waxaana loo aqoonsaday weerarkii 5aad, in ka yar hal toddobaad.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Hay’adda Bisha Cas ee X.

Saraakiisha Gaza ayaa sheegay in weerarada Israel ee xarumaha caafimaadka aysan joogsan, tan iyo markii Israel ay bilowday weeraradeeda Marinka Gaza.

Afhayeenka Wasaaaradda Caafimaadka Gaza, Ashraf Al-Qedra ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay si bareer ah u bartilmaameedsadeen 142 xarumo caafimaad oo ku yaala Magaalada Gaza iyo 104 ambalaas.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in tirada dadka rayidka ah ee lagu dilay weerarada Israel ay hadda gaartay 21,320 qof, iyadoo ay weeraradaasi ku dhaawacmeen buu yiri 55,603 qof oo kale.

Afhayeenka ayaa hay’adaha caalamiga ah ugu baaqay in ay wax ka qabtaan oo gacan ka gaystaan baahida caafimaad ee ka jirta magaalada, gaar ahaan sidii dib loogu hawlgelin lahaa Isbitaalka Al-Shifa ee waqooyiga Gaza.

Dhanka kale Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in ay heleen godad dhulka hoostiisa ah, oo ku yaala bay yiraahdeen gudaha Masjid ku yaala Khan Yunis.

Taliska ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in Ciidamada Israel ay burburiyeen godadkaasi, oo sida ay sheegeen ay Xamaas u adeegsan jirtay goob laga soo abaabulo dagaalka iyo wareejinta hubka.

Benny Gantz oo ka mid ah Xubnaha Golaha Wasiirada Israel ee dagaalka ayaa sheegay in dagaalka Gaza uu noqon doono mid sii socda, welibana ka xoog badan sidii hore.

Benny Gantz ayaa gelinkii dambe ee maanta Warbaahinta la hadlay, ka dib markii Israel ay dib u eegis howleed ku sameysay deegaanada koonfurta Israel.

“Waxaan diyaar u nahay wejiga xigga ee dagaalka, kaas oo noqon doona mid joogto ah, ka xoog badan oo ka qoto dheer sida ay Xamaas u maleynayso.” Ayuu yiri Gantz.

Tani ayaa imaanaysa, ka gadaal markii Mareykanku uu dib u soo celiyay cadaadiskiisa ku aaddan in Israel ay wax ka bedesho hawlgalkeeda, oo waxyeelada ugu badan ay dadka rayidka ah ka soo gaareyso.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc