Home Wararka Caalamka Ciidamada Israel oo dad shacab ah ku dilay Daanta Galbeed

Ciidamada Israel oo dad shacab ah ku dilay Daanta Galbeed

by Laacib

Militariga Israel ayaa maanta weerar dhimasho iyo dhaawac sababay ka gaystay Magaalada Jenin ee Daanta Galbeed ee la haysto.

Ugu yaraan afar qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay magaaladaasi, halka tiro kalena ay Ciidamada Israel ku dhaawaceen xerada qaxootiga ee Jenin, ka gadaal markii ay gantaal ku rideen goob ay dhallinyaro ku sugneyd, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin.

Hay’adda Bisha Cas ee Falastiiniyiinta ayaa sheegtay in Ciidamada Israel ay is hortaaggeen gaadiidka ambulance-ka ee xerada Jenin, xilli ay wadeen dad ku dhaawacmay weerarkaasi.

Ciidamada Militariga Israel oo gudaha ugu jira Daanta Galbeed ayaa sidoo kale illaa 50 qof ka qabqabtay Magaalooyinka Ramallah, Bethlehem, Nablus iyo Tubas.

Hawlgalada Ciidamada Israel ee Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus ayaa kor u kacay, tan iyo markii Israel ay bilowday weerarada ay ka gaysaneyso Marinka Gaza.

Ciidamada Israel ayaa tan iyo 7-dii bishii October dhulka la haysto ee ka baxsan Gaza ku dilay boqolaal qof oo Falastiiniyiin ah.

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk ayaa mar sii horreysay Israel ugu baaqay in ay isaga baxdo Daanta Galbeed, balse ay Tel Aviv dhegaha ka fureystay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc