Home Dhacdooyin Ciidamada Israel oo dhexdooda askar badan isaga dilay Gaza

Ciidamada Israel oo dhexdooda askar badan isaga dilay Gaza

by Laacib

Taliska Militariga Israel ayaa Talaadadii sheegay in 5 meelood oo meel askartooda ku dhintay colaadda Marinka Gaza ay ku dhinteen falal iyaga dhexdooda ah.

Taliska ayaa war uu soo saaray ku sheegay in 20 askari lagu dilay waxa ay ku sheegeen dab saaxiibtinimo oo ka dhacay Marinka Gaza.

Warka ayaa lagu sheegay in 13 askari ay ku dhinteen toogasho shil ah, ka dib markii ay ciidamadu uga shakiyeen xoogaga wax iska caabinta ee Falastiiniyiinta.

Sidoo kale warka ayaa lagu sheegay in laba askari ay ku dhinteen gaari dagaal oo dulmaray, laba kalena ay ku dhinteen firir ka dhashay walxaha qarxa oo ciidamadu u adeegsadeen askar ay ka shakiyeen, halka mid kalena uu ku dhintay rasaas wiifto ahayd oo dhanka ciidamada uun ka timid.

Idaacadda Militariga Israel ayaa sheegtay in askartaasi ay dhinteen, wixii ka dambeeyay markii ciidamadooda ay 27-kii bishii October bilaabeen hawlgalka dhinaca dhulka ee ay ka wadaan Gaza.

Idaacadda ayaa sheegtay in ciidamadu ay si joogto ah u sameeyaan qiimeyn ku aaddan dagaalka ka socda Marinka Gaza, oo ay ku jiraan qiimeynta shilalka dhexdooda ah, si looga fogaado inaanay dib dambe u soo laaban.

Israel ayaa qiratay in 105 askari ay kaga dhinteen dagaalka ciidamadeeda iyo xoogaga wax iska caabinta ku dhex maraya labada daamood ee Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc