Home Wararka Caalamka Ciidamada Israel oo duqayn ay dad badani ku dhinteen ka gaystay Rafah

Ciidamada Israel oo duqayn ay dad badani ku dhinteen ka gaystay Rafah

by Laacib

Iyadoo Israel ay sheegtay in ay isku diyaarineyso guluf ballaaran oo ka dhan ah deegaanka ku yaala ku yaala cirifka koonfureed Gaza ee Rafah ayay haddana ciidamadeeda sii wadaan duqaymaha ay ka gaysanayaan deegaankaasi.

Ciidanka Cirka Israel ayaa xalay bartilmaameedsaday guryo ay deganaayeen dad rayid ah, halkaasna ay waxyeelo kala duwan ka soo gaartay dadkii deganaa.

Saraakiisha caafimaadka ee ka hawlgala Rafah ayaa sheegay in ugu yaraan ay 13 qof dhinteen, tiro kalena ay dhaawacmeen, ka dib markii la duqeeyay illaa saddex guri.

Xafiiska Warfaafinta Xamaas ayaa saaka sheegay in dhimashada dadka rayidka ah ay gaartay shan iyo toban qof.

Weerarada xagga cirka ee Ciidamada Israel ayaa halis gelinaya nolosha dadka billihii ugu dambeysay gabaadsanayay Rafah.

Rafah waxaa hadda degan inta badan dadka reer Gaza, waxayna hoy u tahay 1.5 milyan oo barakacayaal Falastiiniyiin ah.

Dunida ayaa si weyn uga walaacsan hawlgalka dhinaca dhulka ee ay Israel sheegtay in ay Xamaas uga sifeynayso deegaanka Rafah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc