Home Wararka Caalamka Ciidamada Israel oo duqeeyay Isbitaalka Al-Amal ee Marinka Gaza

Ciidamada Israel oo duqeeyay Isbitaalka Al-Amal ee Marinka Gaza

by Laacib

Hay’adda Bisha Cas ee Falastiiniyiinta ayaa sheegtay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israel ay Jimcihii duqeeyeen Isbitaalka Al-Amal ee koonfurta Marinka Gaza.

Hay’adda ayaa sheegtay in tiro ka mid ah qoysaska barakacayaasha ay ku dhaawacmeen duqaynta ay Ciidamada Israel ka gaysteen isbitaalkaasi.

Isbitaalkan oo ku yaala deegaanka Khan Yunis ayaa ah Xarunta Hay’adda Bisha Cas ee jiidda koonfureed ee Gaza.

“Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israel ayaa beegsaday dadka barakacayaasha ah ee ku sugan Isbitaalka Al-Amal ee Xarunta Bisha Cas ee Khan Yunis.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Hay’adda Bisha Cas.

Qoraalka ayaa lagu sheegay “Shakhsiyaad ka mid ah barakacayaasha ayaa ku dhaawacmay duqaynta.”

Ciidamada Israel ayaa lagu eedeeyay inay isku dayayaan in halkaasi ay si khasab ah kaga barakaciyaan qoysaska guryahooda looga soo saaray duqaymaha baahsan ee ay ka gaysanayaan labada daamood ee Gaza.

Diyaaradaha Israel ayaa muddooyinkii ugu dambeysay duqaymo ka gaysanayay afaafka hore ee isbitaalkaasi, waana farriin ay dadka ugu sheegayaan in joogitaankooda halkaasi ay khatar ku tahay noloshooda.

Dhanka kale Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii sheegtay in 24-kii saac ee ugu dambeysay ay duqaymaha Israel ku dhinteen 142 qof, 278 kalena ay ku dhaawacmeen.

Wasaaradda ayaa sheegtay in tirada guud ee dadka lagu dilay Gaza, tan iyo markii uu dagaalku bilowday ay gaartay 24,762 qof, halka tirada dhaawacana ay ku sheegtay 62,108 qof.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc