Home Dhacdooyin Ciidamada Israel oo fal la yaab leh kula kacay dhallinyaro reer Falastiin

Ciidamada Israel oo fal la yaab leh kula kacay dhallinyaro reer Falastiin

by Laacib

Barraha bulshada ayaa si weyn loogu hadalhaya muuqaalo muujinaya Ciidamada Israel oo dharka ka dhigay boqolaal dhallinyaro reer Falastiin ah, oo ay ku qabqabteen hawlgalka ay ka wadaan Marinka Gaza.

Warbaahinta Israel ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii baahisay muuqaal ay ka soo muuqdeen dhallinta reer Falastiin, iyadoo Militariga Israel uu qaawiyay.

Muuqaal kale ayaa muujinaya koox kale oo dhallinyaro ah oo indha-duuban, garba duubna u xiran.

Muuqaalkan ayaa waxaa ka soo muuqday Falastiiniyiinta oo dhulka la fariisiyay iyo Ciidamada Israel oo kortaagan.

Muuqaal kale ayaa muujinaya ciidamada oo dadkaasi ku kaxeysanaya gaadiidkooda militariga, lana aaday goob aan la garanayn. Daniel Hagari, Afhayeenka Militariga Israel ayaa sheegay in ay ciidamadoodu soo qabqabteen boqolaal ka mid ah sida uu yiri kooxaha argagixisada, qaar kaloo badana ay isa soo dhiibeen.

Ma jirto cid si madaxbannaan u xaqiijin karta in dadkaasi ay ka tirsan yihiin kooxaha wax iska caabinta ee Falastiiniyiinta.

Warbaahinta Falastiiniyiinta ayaa sheegtay in dhallinyaradaasi laga soo qabqabtay deegaanka Beit Lahia ee waqooyiga Marinka Gaza.

Dadka laga dhex aqoonsaday muuqaaladaasi ayaa waxaa ka mid ah Diaa Al-Kahlout, oo ah Saxafi si weyn looga yaqaano Marinka Gaza.

Shabakadda Wararka ee Al-Caraby Al-Jadeed (The New Arab) ayaa ku warantay in Wariyaheeda Gaza Diaa Al-Kahlout iyo qaar ka mid ah xubnaha ehelkiisa ay ka mid yihiin dadka ay Ciidamada Israel ka soo raafeen waqooyiga Gaza.

Nin ka mid ah dadka ka badbaaday raafkaasi oo magaciisa la qariyay ayaa Warbaahinta TRT World u sheegay “Al-Kahlout waxa uu ka mid ahaa tobanaan qof oo reer Gaza ah oo ay Ciidamada Israel ku xirxireen Gaza, waxaana lagu khasbay in ay iska bixiyaan dharkii ay wateen, waana la baaray oo la bahdilay, ka hor inta aan la gayn meel aan la garanayn.”

Osama Hamdan oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadda ee Ururka Xamaas ayaa cambaareeyay xadgudubka ay Israel ku hayso dadka rayidka ee aan hubeysnayn, qaybtana aan ka ahayn buu yiri hawlgalada militari.

Tallaabada Ciidamada Israel ay dharka uga dhigeen muwaadiniinta Falastiiniyiinta ayaa imaanaysa, xilli uu qaboob ka jiray Marinta Gaza, labadii maalmood ee la soo dhaafayna ay roobab ka da’ayeen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc