Home Dhacdooyin Ciidamada Israel oo ka baxay qaybo ka mida Jabalia iyo burbur ay ka taggeen (SAWIRRO)

Ciidamada Israel oo ka baxay qaybo ka mida Jabalia iyo burbur ay ka taggeen (SAWIRRO)

by Laacib

Ciidamada Israel ayaa Khamiistii isaga baxay qaybo ka mid ah deegaanka Jabalia ee Marinka Gaza, oo ay ku jirto xerada qaxootiga Jabalia, ka dib ku dhawaad 20 cisho oo ay gudaha ugu jireen xeradaasi.

Ka bixitaanka Ciidamada Israel ee xeradaasi ayaa ka dambeysay, ka dib markii ay ku guuldareysteen in ay si buuxda u go’doomiyaan, sababo ku aaddan iska caabinta xoogan ee kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta.

Wararka ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay hurdo la’aan soo wajahday muddadii ay ka dagaalamayeen xeradan, taasina ay qayb ka tahay sababaha ay dib uga gurteen xeradaasi.

Ciidamadan gudaha u galay xerada qaxootiga Jabalia ee waqooyiga Marinka Gaza ayaa saacad kasta la kulmayay weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, iyaga oo muddadii ay hawlgalka ka wadeen wajahayay weeraro lagu dhiig bixinayo, laguna burburinayo taangiyadooda dagaalka iyo gaadiidkii kale ee ay wateen. Sidoo kale hawlgalkan ayay ku waayeen tobanaan askari, tobanaan kalena ay kaga dhaawacmeen.

Kooxaha wax iska caabinta oo Xamaas ay ugu fil-roon tahay, weeraradana ka soo qaada dhulka hoostiisa ayaa Ciidamada Israel u diiday waqti ay ku seexdaan.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa si xun u burburiyay dhismayaasha ku yaala xeradaasi, kumana guuleysan in ciidankooda ay ka yareeyaan culeyskii ka haystay kooxaha wax iska caabinta ee iska soo abaabula saldhigyadooda godadka dhulka hoostiisa ku yaala ee xeradaasi.

Ciidamada Israel ayaa 11-kii bishan dib ugu laabtay deegaanka Jabalia, ka dib markii taliskoodu uu sheegay in halkaasi ay dib ugu soo xoogeysteen Xoogaga Xamaas.

Ciidamada Israel ayaa bishii February isaga baxay gebi ahaanba deegaanada waqooyiga Marinka Gaza, oo ay ku jirto Jabalia, ka gadaal markii taliskoodu uu sheegay in ay ka sifeeyeen dagaal-yahanada Falastiiniyiinta. Bishan ayayna ku laabteen, iyagoo dib u bilaabay weeraradii Jabalia.

Marka laga soo taggo in Ciidamada Israel ay banneeyeen xerada qaxootiga Jabalia, haddana waxaa la sheegaya in weli ay ku sugan yihiin qaybo kale oo ka mid ah deegaanka Jabalia.

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Israel ayaa lagu arkayaa waqooyiga iyo bariga Jabalia, halka ay faarujiyeen galbeedka iyo koonfurta deegaankaasi.

Taliska Militariga Israel ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in ay sii wadi doonaan weerarka ay ku hayaan deegaankaasi.

Dadkii Ciidamada Israel ay dhowr toddobaad ka hor ka barakaciyeen xerada Jabalia ayaa bilaabay in ay dib ugu laabtaan guryahooda, iyagoo si xun loo burburiyay, isla-markaana aan la degi karin.

Muuqaalo laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya qoysaska oo ku dhex wareegaya haraadiga guryahoodii la burburiyay.

Xerada Jabalia ayaa ah tan ugu weyn ee sideedda xero qaxooti ee ku yaala Marinka Gaza. Xerada Jabalia uma dhisna sida xero qaxooti oo kale, balse qaab dhismeedku waa sidii xaafado oo kale.

Qaramada Midoobey ayaa sanadkii 1948-kii sameysay xeradaasi, markaas oo dib u dejin loogu sameeyay shacabkii Falastiiniyiinta ee ka soo cararay hawlgalkii sifeynta qowmiyadeed ee ay Israel xilligaasi ku haysay dadka reer Falastiin.

Dhanka kale ugu yaraan 36,224 qof ayaa lagu dilay dagaalka Marinka Gaza, halka 81,777 kalena ay ku dhaawacmeen, muddada uu socdo dagaalkan.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in 24-kii saac ee ugu dambeysay ay Ciidamada Israel dileen 53 qof oo shacab ah, 357 kalena ay dhaawaceen.

Ciidanka Cirka Israel ayaa qaybaha Marinka Gaza ka gaysanaya duqaymo baahsan, oo ay si joogto ahi ugu leynayaan shacabka aan hubeysneyn.

Israel ayaa sheegeysa in dagaalka ay sii wadi doonto billaha ka harsan sanadkan, si ay u xaqiijiso qorshaheeda ah burburinta Xoogaga Xamaas iyo Islamic Jihaad, oo ah labada garab ee ugu weyn ee iska caabinta xoogeeda ay kala kulmeyso.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc