Home Wararka Caalamka Ciidamada Israel oo khasaarihii ugu badnaa loogu gaystay Gaza

Ciidamada Israel oo khasaarihii ugu badnaa loogu gaystay Gaza

by Laacib

Garabka Militariga Xamaas ee Guutada Al-Qassam ayaa maanta sheegay in ay Marinka Gaza ku dileen 60 ka mid ah Ciidamada Militariga Israel.

War ka soo baxay Guutada Al-Qassam ayaa lagu sheegay in xalay ay qaraxyo ku aaseen aagga teendhooyinka ay degan yihiin Ciidamada Israel ee ku sugan bartamaha Gaza, gaar ahaan halka lagu magacaabo Juhor ad-Dik, ka dibna ay ku qarxiyeen aroornimadii hore ee saakay, saacaddu markay ahayd 4:30am.

Warka ayaa lagu sheegay in halkaasi ay ku dhinteen 60 ka mid ah Militariga Israel ee qaybta ka ah Ciidamada Israel ee ku soo duulay Gaza.

“Xitaa ciidankeennu waxay beegsadeen ciidamo kale oo Israeliyiin ah oo ka badbaaday qaraxyada.” Ayaa lagu yiri warka.

Al-Qassam waxay sheegtay in tani ay noqonayso khasaarihii ugu badnaa ee goob qura lagu gaarsiiyo Ciidamada Israel, ka gadaal markii Israel ay 7-dii bishii October bilowday weerarada ay ka gaysaneyso Gaza.

Taliska Militariga Israel ayaan ka hadlin warka ka soo yeeray Ururka Xamaas, balse taasi bedelkeeda waxay shaaciyeen magacyada laba askari, oo xalay ay sheegeen in looga dilay dagaal ay Xamaas kula galeen Gaza.

Taliska ayaa magacyada askartaasi ku kala sheegay Maj. (res.) Or Brandes oo 25 jir ahaa iyo Aschalwu Sama oo 20 jir ahaa.

Israel ayaa Jimcihii dib u bilowday weeraradeeda Marinka Gaza, tani waxay ka dambeysay toddobaad ay xabad joojin ka jirtay Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc