Home Dhacdooyin Ciidamada Israel oo mar kale laayay dad doonayay deeq raashiin

Ciidamada Israel oo mar kale laayay dad doonayay deeq raashiin

by Laacib

Ciidamada Israel ayaa Talaadadii Marinka Gaza ku laayay dad shacab ah, oo koonfurta Gaza isugu soo baxay, sidii ay raashiin uga qaadan lahaayeen kolonyada sida gargaarka bani’aadantinimo ee loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka rayidka ah.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay si lama filaan ah rasaas ugu furayn goob ay isugu soo baxeen dad Falastiiniyiin ah, oo gargaar ku sugayay Waddada Kuwait ee koonfurta Gaza.

Saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyay in dhacdadaasi ay ku dhinteen sagaal qof, labaatan kalena ay ku dhaawacmeen.

Madaxa Xafiiska Warbaahinta ee Maamulka Gaza, Salameh Maaruf ayaa Ciidamada Israel ku eedeeyay in ay si ula kac ah u bartilmaameedsadeen dad maati ah.

Taliska Militariga Israel ayaan weli ka hadlin sababta ka dambeysay in ciidamadooda ay beegsadaan dad aan waxba galabsan.

Dadku waxay weli xusuustaan toogashadii naxdinta lahayd ee ay Ciidamada Israel 29-kii bishii February ku dileen in ka badan boqol qof oo rayid ah, kuna dhaawaceen ku dhawaad sideed boqolaal oo kale, xilli dadkaasi ay Waddada Rashid ee xeebta galbeedka Gaza isugu soo baxeen, sidii ay u heli lahaayeen kaalmo bani’aadantinimo.

Dadka reer Gaza oo ay si weyn u saameysay go’doominta daran ee Israel, lana daallaa dhacaya, sidii ay u heli lahaayeen wax ay quutaan ayaa weerar kala kulmaya Militariga Israel.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Antonio Guterres ayaa Isniintii wax aan horey loo arag ku tilmaamay dilalka ka dhacaya Gaza.

Guterres ayaa ku celiyay baaqiisii ahaa in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, balse Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa u muuqdo mid aan dooneyn in colaadda la soo afjaro.

Dunida ayaa ka walaacsan kororka dhimashada iyo dhaawaca ee dadka reer Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc