Home Wararka Caalamka Ciidamada Israel oo mar kale weeraray gaadiidka gargaarka (SAWIRRO)

Ciidamada Israel oo mar kale weeraray gaadiidka gargaarka (SAWIRRO)

by Laacib

Ciidamada Israel ayaa mar kale kolonyada gargaarka ee Qaramada Midoobey ku weeraray Marinka Gaza, maalmo ka dib dhacdadii ay dadka badani ku dhinteen ee Khamiistii ka gaysteen dhulka go’doonsan.

Ciidamada Israel ayaa maanta duqeeyay dad rayid ah oo isku dayayay in ay gargaar ka qaataan gaadiidka xamuulka, oo marayay deegaanka Deir al-Balah ee bartamaha Marinka Gaza.

Ugu yaraan sagaal qof ayaa la xaqiijiyay in weerarkaasi ku dhinteen, tiro kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Ururka Xamaas oo si kulul u cambaareeyay weerarka ayaa ku sheegay mid qayb ka ah ololaha xasuuqa iyo isir sifeynta ee Israel ka waddo Gaza.

“Barnaamijka gaajeysiinta iyo ka hortagga in dadkeennu ay helaan gargaarka bani’aadantinimo waa tiirka dagaalka Israel.” Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Xamaas.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa xalay Israel ugu baaqay inay ogolaato in gargaarku uu si nabdoon ku gaaro Gaza, iyadoo aanay jirin wax carqaladeyn ah, isla-markaana ay ka fogaato waxyeeleynta dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan. Golaha ayaa warkan ku sheegay warsaxaafadeed ay soo saareen oo lagu baahiyay barraha Qaramada Midoobey ee Internet-ka.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii labaad ee dhowr cisho gudahood ay Ciidamada Israel u gaystaan shacabka ku barakacay Gaza, xilli ay sugayeen gargaarka bani’aadantinimo ee sida dhibka badan lagu gaynayo dhulka uu dagaalku ka socdo.

Weerarka ayaa imaanaya, xilli Qaramada Midoobey ay marar badan Israel Israel ku adkeysay inay ilaaliso dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan kuwa ka shaqeynaya arrimaha bani’aadantinimada.

Ugu yaraan 30,410 qof oo Falastiiniyiin ah, una badan dumar iyo carruur ayaa lagu dilay Gaza, tan iyo markii uu dagaalku bilowday 7-dii October, 71,700 oo kalena waa lagu dhaawacay, sida ay Axaddan sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc