Home Dhacdooyin Ciidamada Israel oo qoys Jarmal ah ku dilay Marinka Gaza

Ciidamada Israel oo qoys Jarmal ah ku dilay Marinka Gaza

by Laacib

Qoyskan oo ka koobnaa 6 qof ayaa lagu dilay duqayn ay Ciidamada Israel ka gaysteen Marinka Gaza, sida ay ku warantay Warbaahinta Jarmalka.

Wargeyska Jarmalka ee Süddeutsche Zeitung ayaa sheegay in qoyskan ay ka koobnaayeen aabe & hooyo iyo afar carruur ah oo ay dhalleen.

Wargeyska ayaa ku waramay in Yousuf Abujadallah, oo dhakhtar ahaan uga soo shaqeeyay dalka Jarmalka, xaaskiisa Ayah iyo carruurtooda Salahuddin (10 jir), Mohammed (9 jir), Abdulrahman (3 jir) iyo Omar, oo ahaa ilmo yar ay ku geeriyoodeen duqayn ka dhacday Gaza.

Qoyskan oo hoygooda ku sugnaa ayaa ka mid noqday qoysaska faraha badan, ee ay Ciidamada Israel sida joogtada ahi ugu dilayaan magaalada go’doonsan.

Ciidamada Israel ayaa 1-dii bishan dib u bilaabay duulaankooda Gaza, ka dib markii ay dhammaatay muddo toddobaad ah oo hakad bini’aadantinimo, oo Israel ay kula jirtay Ururka Xamaas.

Ciidamada Israel ayaa lagu eedeeyay in si aan kala sooc lahayn ay dadka ugu leynayaan koonfurta iyo waqooyiga Gaza.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in tirada dadka la dilay ay gaartay 17,487 qof, kuwaa oo 70% ay carruur iyo haween yihiin.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay in ay sii wadi doonaan hawlgaladooda Gaza, illaa iyo inta ay ka adkaanayaan Xoogaga Xamaas.

Mareykanka ayaa xalay codka diidmada qayaxan ku hor istaagay qaraar ay Qaramada Midoobey ku dalbaneysay xabad joojin degdeg ah oo bani’aadantinimo oo laga hirgeliyo labada daamood ee Gaza.

13 ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa taageeray qaraarkaasi, iyadoo Britain ay ka aamustay, halka Mareykankuna uu ka soo horjeestay codeyntaasi. Mareykanka ayaa ka mid ah 5-ta dal ee joogtada ah ee haysta codka Veto-ga.

Caalamka ayaa ka walaacsan xadgudubyada ay Ciidamada Israel ka gaysanayaan Marinka Gaza

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc